DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Ogosto 8. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Dawooyinkayga ma la daboolaa?

Liiska daawooyinka dhakhtarku qoro (formulary)

CareOregon Advantage waxay dabooshaa daawooyin badan oo kala duwan iyadoo la isticmaalayo Medicare Part D

Si aad u ogaato in dawadaada dhakhtarku kuu qoray la daboolo, ka raadi liiskeena daawooyinka la ansixiyay, oo sidoo kale loo yaqaanno formulary (liiskeena daawooyinka dhakhtarka uu qoray).

  • Guji qorshaha sanadka hoose oo dooro liiska daawooyinka aad rabto inaad hesho.
  • Haddii aad isticmaalayso faylka PDF, taabo Ctrl+F (PC) ama ⌘-F (Mac) si aad u furto barta wax laga raadiyo ee ku taala dhanka midig ee qabta sare ee shaashaddaada.
  • Ku qor magaca dawada barta wax laga raadiyo kadibna taabo badhanka enter (gal)
  • Haddii ay jiraan natiijooyin badan oo isku mid ah waxaad isticmaali kartaa badhamada Previous (Dib u laabo)iyo Next (Mida Xigta) si aad u raadiso daawada saxda ah.
  • Si aad wax badan u raadiso, ku qor daawada xigta barta wax laga raadiyo oo sii wad ilaa aad ka helayso daawooyinkaaga uu dhakhtarka kuu qoray.
  • Haddii dawooyinkaagu aanay ku jirin liiska, aad qaybta Go'aamada Daboolida caymiska ee Medicare Part D, Kuwa ka Reeban Liiska daawooyinka iyo Codsiyada wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo codsado ka reebis.

Haddii aad weli u baahan tahay caawimo, waxaad had iyo jeer ka wici kartaa Qolada Adeegga Macmiilka 503-416-4279, lambarka lacag la'aanta 888-712-3258 ama TTY 711. Wakhtiga aanu shaqayno waa Oktoobar 1 ilaa Maarso 31, 8 g.h. ilaa 8 g.d. maalin kasta; iyo Abriil 1 ilaa Sibtambar 30, 8 g.h. ilaa 8 g.d., Isniinta-Jimcaha.

Liiska Daawooyinka CareOregon Advantage Plus (liiska daawada)

Daabacaadda caadiga ah

Far waaweyn

Nooca maqalka

Markii ugu danbaysay ee bogga dib loo eegay: Janaayo 1, 2024
H5859_COAWEB_M_2024

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!