DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Ogosto 8. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Siyaasadaha Asturnaanta

Siyaasadda asturnaanta internetka

CareOregon waxay ixtirmaantaa asturnaanta xubnaha, adeegbixiyayaasha iyo dadka kale ee soo booqda websaydka, careoregon.org. Uma baahnid inaad na siiso macluumaad shaqsi ah si aad macluumaad uga hesho websaydkan. 

Macluumaad si otomaatig ah loo uruuriyay oo loo kaydiyay

Marka aad soo gasho websayd, macluumaad kugu saabsan ayaa la uruurin doonaa. Waxaanu si otomaatig ah u uruurinaa oo si ku meelgaar ah u kaydinaa macluumaadkan soo socda ee ku saabsan booqashadaada:

  • Magaca cinwaanka websaydka aad ku soo gashay Internetka (tusaale ahaan, gmail.com ama OHSU.org)
  • Taariikhda iyo waqtiga booqashadaada
  • Boggaga aad booqatay
  • Cinwaanka websaydka aad ka imaatay markaad ugu horayntii furtay bogga ku jira careoregon.org

CareOregon waxay qoraan oo falanqeeyaan isticmaalayaasha websaydkooda soo galaya si aanu u cabbiri karno xiisaha dadku u hayaan websaydkeena. Waxaanu macluumaadkan u isticmaalna ujeedooyin tirokoob waxayna naga caawiyaan inaanu bogeena ka dhigno mid waxtar badan u leh booqdayaasha.

 

Macluumaad Shaqsiyan Lagugu Aqoonsanayo

Waxaanu macluumaadka qof lagu aqoonsan karo (magac, cinwaan iimayl, cinwaan goobeed ama aqoonsiyo kale oo cid u gaar ah) keliya u isticmaalaa wax la xiriira  careoregon.org ama ujeedooyinka aanu ku cayino marka aanu uruurinayno. Macluumaad qof lagu aqoonsan karo waxa aanu kaa qaadi doonaa keliya haddii adiga oo ka warqaba aad bixiso. Haddii aad doorato inaad macluumaad kugu saabsan ku bixiso iimayl ahan, qaab onlayna ama ra'yi uruurin ku bixiso, iwm., waxa aanu macluumaadka hayn doonaa illaa inta aanu u baahanahay si aanu kaga jawaabno su'aal ama intaanu ku qabanayno hawhsha farriinta lagu dhex sheegay. 

Baahinta

CareOregon way ilaalisaa macluumaadka shaqsiga ah ee aad nala wadaagto. Lama wadaagno, bixino, iibino, kirayno ama kama ganacsan karno liisaska iimaylada ama macluumaadka shaqsiyeed shirkadaha kale annagoo xayaysiin uga dan lehl

Waxa laga yaabaa inaanu muujino macluumaadka la isku aqoonsan karo ee aad nagula wadaagtay websaydkan haddii aanu aaminsanahay inay waajib tahay inaanu sidaas sameyso si aanu u hogaansano dacwad maxkamadeed, amar maxkamadeed, ama nidaam sharci oo lagu soo rogay websaydkeena.

Iimayl

Xasuusnow in nidaamyada fariimaha lagu diro ee elegtarooniga aanu ahayn mid xafidan Haddii farriintaadu aad u xasaasi tahay, fadlan noogu soo dir boosto ama isticmaal boggan xubinta ee xafidan si aad farriinta nooga soo dhex dirto.

Linkiga websaydyada kale

Websaydkan waxa ku jira linkiyo ku geynaya websaydyo kale. Fadlan ogsoonow inay CareOregon aanay ka masuul ahayn dhaqamada xogdhowriseed ee websaydyada kale.

Siyaasaddan waxay ku dabbaqmaysaa keliya la uruuriyay ee ku jirta careoregon.org. Haddii aad qabto su'aalo ama walaacyo ku saabsan bayaankeena Asturnaanta ama xogdhowrista Internetka, fadlan kala xidhiidh sarkaalkeena hogaansamida taleefanka 503-416-4760 ama taleefanka bilaashka ah ee 800-224-4840711.

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!