Isdiwaangeli si aad u isticmaasho Bogga Xubinta
Xubnaha CareOregon Advantage waxay geli karaan Xariirka Xubinta ka dib diiwaangelin kooban oo khadka ah. Si lamid ah adeegyada kale ee onlaynka, diiwaangelintu waxay ku marisaa abuurista magaca lagu galo iyo baasweer. Waxaad sidoo kale bixin doontaa jawaabaha su'aalaha sugida amniga akoonka qaarkood.
Si aad isu diiwaangeliso, waxaad u baahan doontaa inaad geliso lambarkaaga aqoonsiga xubinta. Waxaad ka heli kartaa kaarka aqoonsiga xubinta ee Health Share.
Ogsoonoow: Boggeena Xubintu waxa kaliya loogu talagalay xubnaha ka weyn da'da 18 sano.
Markaad hesho macluumaadkaaga, raac talaabooyinkan:
- Tag bogga diwaangelinta HealthTrio.
- Geli lambarka aqoonsigaaga Xubinta, magacaaga iyo taariikhdaada dhalashada.
- Markaad tagto bogga xiga, dooro magac aad ku gasho. Waxaan kugula talinaynaa inaad isticmaasho ciwaankaada iimaylka si aad si fudud ugu xasuusato.
- Raaci tilmaamaha kadibna guji Submit (Gudbi).
- Markaad si guul leh isku diwaangeliso, bogga galista akoonka shaqa bilaabi doona. Kadibna waad ku geli kartaa tafaasiisha aad ku dooratay shaashadii hore.
- Haddii aad kala kulanto wax dhibaato ah isdiwaangelinta ama galitaanka akoonka, kala xiriir hawlwadeenada bogga lambarka 877-814-9909.
Sida loo isticmaalo Boggaaga Xubinta
Fiirso fiidyaha soo socda si aad ula socoto sifooyinka aad ka heli karto gudaha marinka xubinta.