DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Ogosto 8. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Dheefaha Dheeriga ah ee CareOregon

Dheefaha Dheeriga ah ee CareOregon

Waxaan u abuurnay CareOregon Advantage Plus sidii Laba Qorshe Baahiyaha Khaaska ah (D-SNP) oo isku daraya caymiska Medicare Part A, B iyo D iyo dheefaha Medicaid iyada oo loo marayo Qorshaha Caafimaadka Oregon. Haddii aad u qalanto caymiska Medicare iyo Medicaid labadaba ee ka jira Oregon waxaa laga yaabaa inaad awoodo inaad iska diiwaan geliso qorshahan. Si aad u hubiso inaad buuxisay shuruudaha, fadlan booqo boggeena u qalmitaanka.

Dheefaha Qorshaheena Plus waxa ka mid ah caymiska dawooyinka dhakhtarka kuu soo qoray, dheefteeena kaarka CareCard iyo wax kaloo badan. Hoos waxaad ka heli doontaa sharraxaad faahfaahsan oo ku saabsan dheefaha la heli karo isla sanadka caymiska ee la qoray.

Haddii aad qabto wax su'aalo ah ama aad u baahan tahay kaalmo, ha ka waabanin inaad naga soo wacdo 503-416-4279, lamka taleefoonka lacag la'aanta ah 888-712-3258 ama TTY 711. Saacadaha aanu shaqayno waa: 1da Oktoobar ilaa 31da Maarso, 8 GH ilaa 8 GD maalin kasta; iyo 1da Abriil ilaa 30ka Sebtembar, 8 GH ilaa 8 GD, , Isniin-Jimce.

Qorsheheena 2024 ee labada baahiyood ee khaaska ah (D-SNP) wuxuu isku daraa Medicare, Qorshaha Caafimaadka Oregon (Medicaid) iyo dheefaha daboolida daawada dhakhtar kuu soo qoro iyadoona looga dhigayo hal qorshe oo ku habboon xubnaheena kuwaas oo u qalma Medicare iyo Medicaid labadaba:

  • $0 khidmadaha bishii + $0 lacagta qofka laga rabo inuu bixiyo ( ($40.60 waxaa lagu bixiyaa kaalmada la siiyo dadka dakhligoodu hooseeya)
  • Dheeftaada hadda jirta ee Medicaid marka lagu daro dhammaan Medicare orijinaalka ah
  • Caymiska daawooyinka dhakhtarka soo qoro ee lagu daboolo Part D
  • Booqashooyinka takhasuslaha
  • Kaarka CareOregon Advantage CareCard oo bilaash ah oo ay ku jiraan:
    • $405 saddex bilood kasta - taasi waa ilaa $1,620 sanadkii – si aad ugu soo iibsato agabyo caafimaad iyo cunto caafimaad leh
    • $1,500 oo loo isticmaalo adeegyada ilkaha ee aanay daboolin Medicare ama Medicaid
    • Fursad lagu kasbado lacagaha abaal-marineed marka la dhammaystiro hawlaha caafimaadka leh
  • Baaritaanada indhaha ee bilaashka ah + gunnada sannadlaha ah ee xagga muraayadaha ama leenisyada la gashto gudaha indhaha
  • $0 lacag bixin ah ilaa 90-maalmood marka la buuxsanayo dawooyinka dhakhtarka kuu qore oo muddada dheer isticmaala
  • 90 saacadood oo ah adeegyada taageerada guriga
  • Nidaam kaa caawinaya xaaladaha degdegga ah, waana mid bilaash u ah isticmaalka shakhsi ahaaneed.
  • $0 kormeeraha cadaadiska dhiigga ee dadka qaba dhiig karka
  • Barnaamijka fayaqabka Silver&Fit ee bilaashka ah oo lagu heli karo xubin ka noqoshada jiimka bilaashka ah iyo xirmada jirdhiska guriga
  • Cunto laguu keeno markaad isbitaalka ka baxdo
  • 24/7 booqashooyinka onlaynka ah ee daryeelka aan degdega ahayn
  • Hubinta in dhammaan bixiyeyaashaada daryeelka caafimaad ee kala duwan ay u wada shaqeeyaan si aan kala go' lahayn.
  • Shabakad aad u wayn oo ah adeeg bixiyayaasha ka qaybqaata
  • Khadka talobixinta kalkaalisada ee bilaashka ah lana heli karo 24-saac

Tilmaamaha Dheefta COA Plus ee 2024

Soo koobida Dheefaha COA Plus ee 2024

 

 

Kharashyada aad bixiso, sida khidmadaha xubinnimada, lacagta la siiyo qolada caymiska, lacagta qofka uu ku daro caymiska, iyo lacagaha lagaa jari karo, way is beddeli karaan iyadoo ku xidhan inta ay le'eg tahay Caawinta Dheeraadka ah ee aad hesho. Xubnaha haysta dheefaha Medicaid oo dhamaystiran khasab kuma ah inay bixiyaan Khidmada Part B. Fadlan nala soo xiriir wixii faahfaahin dheeraad ah

 

Markii ugu danbaysay ee bogga dib loo eegay: Diseembar 1, 2023
H5859_COAWEB_M_2024

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!