DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Ogosto 8. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Wax badan ka baro: Walgreens wuxu hadda ku jiraa shabakadda farmasiyada.

Tallaal hargab

Hel tallaalkaada hargabka oo ku sii ilaali naftaada mid kasii caafimaadsan inta lagu jiro muddada korono fayraska

 

Tallaalka hargabku waa mid bilaash ah, badbaado ah oona fudud

Xilliga hargabku wuxuu bilaabmaa Sebtembar, marka hadda ayey tahay waqtigii la is tallaali lahaa. Iyadoona uu weli sii faafayo korona fayraska (COVID-19), aad bay u muhiim u tahay si aan waligeed ahaanin in la qaato tallaalka hargabka. Iyadoo tallaalku aanu ka hortagi karin COVID-19, waxa uu kaa caawin karaa inuusan kugu dhicin hargab. Way wanaagsan tahay inaad caafimaadsanaato intii suurtogal ah inta COVID-19 uu weli mushkilad yahay.

Yaa ay la gudboon tahay inuu qaato tallaalka hargabka?  

Qof kasta oo ka weyn da'da lix bilood waa inuu qaataa tallaalka hargabka ee sannadlaha ah. Xusuusnow, in tallaalada hargabku ay BILAASH u yihiin dhammaan xubnaha CareOregon Advantage. La hadal daryeel bixiyahaaga aasaasiga ah (primary care provider, PCP) haddii aad qabto wax su'aalo ah oo ku saabsan haddii tallaalka hargabku kugu habboon yahay iyo haddii kale.

Halkee ayaan ka heli karaa tallaalka hargabka?

  • Xubnaha jira da'da 3 iyo wixii ka weyn waxa laga yaabaa inay ka helaan tallaalka hargabka farmasiga ka qayb qaadanaya. Wac farmasigaaga si aad u ogaato haddii ay bixiyaan tallaalada hargabka. Horay u sii qaado kaarkaaga Aqoonsiga Xubinnimada, si ay u ogaadaan cidda ay ku biil gareenayaan.
  • Xubnaha da'doodu ka yar tahay 3 waa inay ka helaan tallaalka hargabka daryeel bixiyehooda aasaasiga ah.
  • Hel farmasi adigoo isticmaalaya qalabkeena raadinta bixiyaha
  • Waxa ay tahay inaad soo qaadato: Xaqiiji inaad haysato kaarka Aqoonsiga Xubinta ee CareOregon Advantage iyo leysanka darawalnimada ama aqoonsi kale oo ay dawladu bixiso. (Xitaa haddii aad ku leedahay labo caymis Medicaid, tus kaarkaaga CareOregon Advantage.)

Halkan waxaa ku qoran macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan tallaalka hargabka iyo sababta ay tahay in aad u qaadato:  

Su'aalo miyaa qabtaa? Halkan waxaan u joognaa inaan ku caawino

Wac 503-416-4279, lambarka bilaashka ah 888-712-3258 ama TTY 711. Saacadaha aanu shaqayno waa: Oktoobar 1 ilaa Maarso 31, 8 galinka hore ilaa 8 galinka danbe maalin kasta; iyo Abriil 1 ilaa Sebtembar 30, 8 galinka hore ilaa 8 galinka danbe, Isniin-Jimce. Waxaad sidoo kale noo soo diri kartaa fariin amnigeedu sugan yahay adoo soo maraayo dagalka xubinta.

Macluumaad dheeraad ah oo waxtar leh

Waxyaallaha ay isku midka ka yihiin iyo waxyaallaha ay ku kala duwan yihiin ee u dhexeeya hargabka iyo COVID-19

Xaqiiqooyinka muhiimka ah ee ku saabsan hargab xilliyeedka (hergab): Xarunta Xakamaynta iyo Ka hortagga Cudurada (CDC, Centers for Disease Control and Prevention) (Ingiriisi)

Xaqiiqooyinka hergabka: Datos sobre la gripe (Isbaanish)

3-ka sababood ee ugu sareeya ee lagu helo tallaalkaada hargabka (fayl PDF ah oo Ingiriisi ku qoran)

3-ka sababood ee ugu sareeya ee lagu helo tallaalkaada hargabka (fayl PDF ah oo Isbaanish ku qoran)

 

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!