DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Ogosto 8. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Wax badan ka baro: Walgreens wuxu hadda ku jiraa shabakadda farmasiyada.

Siyaasadaha asturnaanta

Siyaasadda Asturnaanta Internetka

CareOregon Advantage waxay ixtirmaantaa asturnaanta xubnaha, adeegbixiyayaasha iyo dadka kale ee soo booqda websaydka. Uma baahnid inaad na siiso macluumaad shaqsiya si aad macluumaad uga hesho websaydkan. 

Macluumaad si otomaatig ah loo uruuriyay oo loo kaydiyay

Markaad soo gasho websayd kasta, macluumaadka shaqsiga ah ee kugu saabsan waa la uruurin karaa. Waxaanu si otomaatig ah u uruurinaa oo si ku meelgaar ah u kaydinaa macluumaadkan soo socda ee ku saabsan booqashadaada:

  • Magaca cinwaanka websaydka aad ku soo gashay Internetka (tusaale ahaan, gmail.com ama OHSU.org)
  • Taariikhda iyo waqtiga booqashadaada
  • Boggaga aad booqatay
  • Cinwaanka websaydka aad ka imaatay markaad ugu horayntii furtay bogga u jira careoregonadvantage.org

CareOregon Advantage waxay qoraan oo falanqeeyaan isticmaalayaasha websaydkooda soo galaya si aanu u cabbiri karno xiisaha dadku u hayaan websaydkeena. Waxaanu macluumaadkan u isticmaalna ujeedooyin tirokoob waxayna naga caawiyaan inaanu bogeena ka dhigno mid waxtar badan u leh booqdayaasha.

Macluumaadka shaqsi lagu aqoonsan karo

Waxaanu macluumaadka qof lagu aqoonsan karo (magac, cinwaan iimayl, cinwaan goobeed ama aqoonsiyo kale oo cid u gaar ah) keliya u isticmaalaa wax la xiriira careoregonadvantage.org, ama ujeedooyinka aanu ku cayino marka aanu uruurinayno. Macluumaad qof lagu aqoonsan karo waxa aanu kaa qaadi doonaa keliya haddii adiga oo ka warqaba aad bixiso. Haddii aad doorato inaad macluumaad kugu saabsan ku bixiso iimayl ahan, qaab onlayna ama ra'yi uruurin ku bixiso, iwm., waxa aanu macluumaadka hayn doonaa illaa inta aanu u baahanahay si aanu kaga jawaabno su'aal ama intaanu ku qabanayno hawhsha farriinta lagu dhex sheegay. 

Baahinta

CareOregon Advantage way ilaalisaa macluumaadka shaqsiga ah ee aad nala wadaagto. Lama wadaagno, bixino, iibino, kirayno ama kama ganacsan karno liisaska iimaylada ama macluumaadka shaqsiyeed shirkadaha kale annagoo xayaysiin uga dan lehl Waxa laga yaabaa inaanu muujino macluumaadka la isku aqoonsan karo ee aad nagula wadaagtay websaydkan haddii aanu aaminsanahay inay waajib tahay inaanu sidaas sameyso si aanu u hogaansano dacwad maxkamadeed, amar maxkamadeed, ama nidaam sharci oo lagu soo rogay websaydkeena.  

Iimayl

Xasuusnow in nidaamyada fariimaha lagu diro ee elegtarooniga aanu ahayn mid xafidan Haddii xogtaadu ay aad u xasasi tahay, fadlan ku soo dir boostada.

Linkiga websaydyada kale

Websaydkan waxa ku jira linkiyo ku geynaya websaydyo kale. Fadlan waa inaad fahamto in CareOregon Advantage aanay ka masuul ahayn dhaqamada xog dhowrista ee websaydyada kale. Siyaasaddan waxay ku dabbaqmaysaa keliya la uruuriyay ee ku jirta careoregonadvantage.org.

Haddii aad qabto su'aalo ama walaacyo ku saabsan bayaankeena Asturnaanta ama xogdhowrista Internetka, fadlan kala xidhiidh sarkaalkeena hogaansamida taleefanka 503-416-4760 ama taleefanka bilaashka ah ee 888-712-3258.

Dhaqmada Asturnaanta

Halkan ku dhufo si aad ula soo degto Ogeysiiskeena Dhaqamada Asturnaanta

 

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!