DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Ogosto 8. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Wax badan ka baro: Walgreens wuxu hadda ku jiraa shabakadda farmasiyada.

Caawinta Daryeelka Helitaanka

Adeegyada Isku duwayaasha Daryeelka

Waa maxay daryeelka la isku dubariday?

Waxaan rabnaa inaad hesho daryeelka ugu fiican ee suurtogalka ah. Laakiin haddii aad tahay qof naafada ah, ama haddii aad qabto xaalado dabadheeraad ah ama baahiyo caafimaad oo gaar ah, waxa laga yaabaa inaad u baahato caawimo dheeraad ah. Taasi waa waxa Adeegyada Isuduwidda Daryeelka loogu talagalay. Waxay kaa caawin karaan hubinta inaad haysato daryeelka dheeraadka ah ee aad u baahan tahay si aad ugu noolaato nolol caafimaad leh oo aad ku qanacsantahay.

Ku daawo muuqaalkan oo luuqado kale ku qoran: Isbaanish | Shiine | Ruush | Fiitnaamiis


Adeegyada Iskuduwidda Daryeelka ayaa halkan u jooga inay kaa caawiyaan inaad hesho
daryeelka saxda ah, waqtiga saxda ah, goobta saxda ah, oo leh kooxda saxda ah.

Sidee ayay Adeegyada Iskuduwidda Daryeelkuii caawin karaan?

Kooxdaada Iskuduwidda Daryeelka ayaa kaa caawin doona inaad si sax ah uga hesho waxa aad uga baahan tahay dhakhaatiirtaada, bixiyeyaashaada, khabiiradaada, wakaaladaha taageerada bulshada iyo adeegyada bulshada. Waxay sidoo kale kaa caawin doonaan:

  • Faham sida qorshahaaga caafimaad u shaqeeyo.
  • Raadi bixiye kaa caawin kara baahiyahaaga daryeelka caafimaadka gaarka ah.
  • La qaado ballamo bixiyahaaga daryeelka aasaasiga ah, bixiyaha caafimaadka dhimirka, dhakhtarka ilkaha, khabiiro iyo bixiyeyaasha kale.
  • Hel qalab, sahay iyo adeegyo aad u baahan tahay.

 

Isku-duwayaasha daryeelka ayaa kula shaqeeya adiga iyo bixiyeyaashaada waxayna kaa caawinayaan inaad sida ugu fiican uga faa'iidaysato qorshahaaga caafimaad.

Xitaa haddii ay tahay inaad aragto bixiyeyaal badan oo kala duwan ama aad kaalmo ka heshid adeegyo badan oo kala duwan, had iyo jeer diiradda ayaa adiga ku saaran. Kooxdaada Iskuduwidda Daryeelka ayaa hubin doona inaad ku xidhan tahay dhammaan caawimada aad u baahan tahay.

hso-1967690-sawir-la jaray

Haddii aad hayso su'aalo ku saabsan dheefaha qorshahaaga caafimaad, ka wac Adeegga Macmiilka 503-416-4279, lacag la'aanta ah 888-712-3258 ama TTY 711Saacadaha aanu shaqayno waa: Oktoobar 1 ilaa Maarso 31, 8 galinka hore ilaa 8 galinka danbe maalin kasta; iyo Abriil 1 ilaa Sebtembar 30, 8 galinka hore ilaa 8 galinka danbe, Isniin-Jimce.


Ka qaybqaadashadaada Adeegyada Iskuduwidda Daryeelka gabi ahaanba adiga ayay kugu xidhan tahay. Haddii aad go'aansato inaadan rabin ama u baahnayn adeegyadan, waad diidi kartaa ama joojin kartaa wakhti kasta. Joojintu ma carqaladayn doonto daryeelka aad qaadanayso.

Soo deji macluumaadkan :
Ingiriis
Isbaanish
Raashiyaan
Shiineys
Fiitnaamiis

Markii ugu danbaysay ee bogga dib loo eegay: Oktoobar 1, 2023
H5859_COAWEB_M_2024

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!