DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Ogosto 8. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Su'aalaha Inta badan La isweydiiyo ee ku saabsan CareCard

Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo ee ku saabsan Kaadhka CareCard - Loogu talagalay Xubnaha

Waa maxay CareOregon Advantage CareCard?

CareOregon Advantage CareCard waxa uu ku yimaadaa lacag horey loogu shubay, waxana uu leeyahay saddex qaybood oo maaliyadeed oo kala duwan, oo loo yaqaan "wallets":

  • $1,500 in lagu kharash gareeyo adeegyada ilkaha
  • Sanadka 2024, waxaad helaysaa $1,620 ($405 rubuciiba) si aad ugu kharash garayso agabyada caafimaadka iyo cuntooyinka caafimaadka leh.
    • Qaddarka saddex biloodlaha ah ayaa si toos ah loogu shubi doonaa kaadhkaaga si aad ugu soo iibsato agabyada caafimaadka iyo cuntada caafimaad leh dukaamada sida Albertsons, Walgreens, Walmart, Fred Meyer, Farmbox Rx iyo qaar kaloo badan.
  • Abaalmarinada xubnaha u qalma marka dhamaystiraan hawlaha caafimaadka qaba
    • Waxa aad heli kartaa lacag dheeraad ah oo lagugu daro kaadhkaaga sanad walba, si aad wakhti ugu samayso caafimaadkaaga. Fadlan ogow: Baadhitaannada ama hawlaha qaarkood waxaa heli kara oo keliya xubnaha buuxiya shuruudaha barnaamijka ama marka uu ku taliyo adeeg bixiye.
  • U isticmaal kaadhkaaga CareCard si aad u bixiso kharashka adeegyada ilkaha ee Medicare iyo Medicaid aysan daboolin ama ay qayb keliya ka daboolaan, sida daboolka ilkaha, dilida dareemaha ilkaha, difaaca ilkaha habeenkii iyo wax kaloo badan.

Sideen ku helaa CareOregon Advantage CareCard?

Kaadhkaaga CareCard ayaa laguu soo diri doonaa boostada kadib markaad iska diiwaan geliso CareOregon Advantage Plus. Waxaan kaliya kuu soo diri doonaa kaar cusub haddii aad soo sheegto inuu kaa lumay ama haddii aan isbeddel ku samayno barnaamijka.

Halkee ayaan ku isticmaali karaa?

Kaadhkaaga waxa lagu sii shubi doonaa $1,500 si aad ugu isticmaasho adeegyada daryeelka ilkaha ee aad ka hesho adeeg bixiyahaaga ilkaha. $1,500 waxa ay la isticmaali karaa sanadka oo dhan waxaana loo isticmaali karaa in lagu daboolo adeegyada Medicaid iyo Medicare aysan daboolin ama ay qayb kaliya ka daboolaan, sida ilkaha macmalka, qolafka ilkaha, dareen ka dilista ilkaha iyo kuwa kaloo badan.

Kadhkaga waxa kale oo ku jiri doonta $405 oo lagu shubay bilawga rubuca kasta, si loogu isticmaalo agabyada caafimaadka sida daryeelka hargab uu la soda duufka sanka iyo hargab qandha ku bilowda, iyo cuntooyinka caafimaadka leh sida hilibka iyo miraha iyo khudaarta cusub CareCard waxaa lagu isticmaali karaa farmasiyo badan iyo dukaamo tafaariiqeed oo ay ku jiraan Rite Aid, Walmart, Walgreens, Dollar General, Fred Meyer, Safeway, Albertsons iyo qaar kaloo badan. Si aad u hesho liis dhamaystiran oo ah tafaariiqleyda ka qaybqaata, tag mybenefitscenter.com kuna gal lambarkaaga CareCard. Waxa kale oo aad ka heli kartaa liiska tafaariiqleyda ka qaybqaanaya adigoo isticmaalaya ablikeeshinka mobaylka OTC Network. Ka soo degso ablikeeshinka Google Play ama iTunes App Store adiga oo raadinaya "OTC Network."

Ugu geynta qofka guriga
Waxa aad gurigaaga ku heli kartaa alaabta aad u qalanto iyadoon wax lacag dheeraad ah aan lagaa qaadin iyadoona ay kuu soo dirayso Medline. Waxaad u baahan doontaa lambarkaaga CareCard:

Waxaad ku heli doontaa dalabkaaga laba maalmood oo shaqo gudahood ka dib marka laga shaqeeyo.

Waxa kale oo aad gurigaaga ku heli kartaa cuntooyin cusub iyada oo aan wax kharash dheeraad ah aysan kaa qaadin Farmbox Rx. Waxaad u baahan doontaa lambarkaaga CareCard:

Qadar lacag ah meel dhigan karaa bil kasta?

Marka aad xubin noqoto, waxaan boostada kuugu soo diri doonaa kaadh ay lacag ku jirto. $1,500 ee loo isticmaalo adeegyada ilkaha ayaa kuugu jirto sanadka oo dhan ilaa aad ka isticmaasho.

Bilowga rubuca kalandar kasta (1da Janaayo, 1da Abriil, 1da Luulyo iyo 1da Oktoobar), lacagta agabyada caafimaadka iyo cuntooyinka caafimaadka leh ayaa si toos ah loogu soo shubi doonaa isla kaadhkii. Lacag kasta oo ku harta kaadhkaaga dhamaadka rubuc kasta way dhacaysaa. Laguma dari doona lacagta rubuca xigta. Isticmaal lacagta ku jirta kaadhka ka hor dhamaadka rubuc kasta si aad u hesho cadadka oo dhamaystiran. Tag barta mybenefitscenter.com wixii tafaasiil dheeraad ah.

Sideen u isticmaalaa?

Marka kaadhka laguugu soo diro boostada, hawlgeli adiga oo wacaya 833-684-8472 ama booqanaya mybenefitscenter.com. Kadib, waxaad kaga soo dukaamaysan kartaa tafaariiqle kasta oo ka qayb qaadanaya. Hubi inaad la imaato kaadhkaaga CareCard marka aad keenayso agabyadaada la daboolo miiska lacagta lagu bixiyo. Qadar kasta oo aad ku kharash garayso agabyada u qalma waxa laga jarayaa kaadhkaaga, ilaa iyo inta la ogol yahay. Hadhaaga kasta oo soo hara waxa lagu qori doonaa qaybta hoose ee rasiidkaaga waxaana la isticmaali karaa ilaa inta ay ka bilaabmayso xilliga dheefta xigta.

Muhiim: Waa in aad dooratid "credit" marka uu kaadh akhriyaha ku weydiiyo sida aad rabto in aad u isticmaasho kaarkaga. Haddii aad doorato "debit," kaadhku ma shaqayn doono!

Ablikeeshinka mobaylka ee CareCard "OTC Network"
Ablikeeshinka lagu isticmaalo Android iyo iPhone labadaba wuxuu ka dhigayaa isticmaalka dheeftan mid aad u fudud. Waxaad fiirin kartaa hadhaaga akoonkaaga, iskaan mari barcodes ku yaala goobaha tafaariiqda, ka baadh liiska agabyada u qalma iyo wax kaloo badan. Ka soo degso ablikeeshinka Google Play ama iTunes App Store adiga oo raadinaya "OTC Network."

Maxaa lagu daboolaa?

Kaarkaaga CareCard waxa uu daboolayaa in ka badan 90,000 oo agabyo caafimaad ah iyo cunto caafimaad leh oo u qalma. Liis la raadin karo oo ah agabyadaa caafimaadka ee la daboolo ayaa la heli karaa iyadoo la raacayo tillaabooyinkan: 

  • Tag barta mybenefitscenter.com
  • Gali lambarka 19-jiifar ah ee ku qoran qaybta hore ee karkaaga
  • Markaad gudaha u gasho aagga loo gaar yeelay xubinta, guji "Product (Alaabta)" ee ku taal barta buluugga ee kore. Tani waxay soo saari doontaa Alaabta U qalma ee la raadin karo.
  • Markaad joogto "Retailers (Tafaariiqleyda)" liiska hoos u baxaya ee ku yaala dhanka midigta, dooro dukaanka meesha aad rabto inaad ka raadiso (sida Walgreens, Walmart ama Rite Aid).

Haddii aadan weli diiwaan gelinin kaarkaaga CareCard, waxaad sidaas ku samayn kartaa barta mybenefitscenter.com. Haddii aad qabto wax su'aalo ah, ama aadan heli karin kombuyuutar, fadlan soo wac Qolada Adeegga Macmiilka inta lagu jiro saacadaha shaqada waana ku caawin karnaa.  

Fadlan ogow: Alaabooyinka qaarkood ayaa laga yaabaa ina lagu daboolo caymiskaaga Medicare ama Medicaid. Marka shay uu daboolo Medicare ama Medicaid, waa inaadan u isticmaalin kaarkaaga CareCard si aad u iibsatid, sababtoo ah waxaa daboolaya caymis kale oo kama mid aha dheeftaada dheeraadka ah ee kaadhka CareCard. Tusaale ahaan, faashad waxa laga yaabaa in lagu daboolo Part D marka loo isticmaalo, warqaduu dhakhtarka soo qoray, si layskugu duro insulin. Ama daawada loratadine ee meelaha laga soo gato, siduu dhakhtarka qoray, waxa dabooli kara Medicaid. Markay xaaladahan dhacaan, waa inaad keentaa daawada uu dhakhtarka kuu soo qoray iyo kaarkaaga Aqoonsiga Xubinta ee CareOregon Advantage miiska farmasiga.

Maxaan loo daboolin?

Alaabaha Aan U Qalmin

Waa kuwan qaar ka mid ah alaabaha aan lagu daboolin dheefta kaarka CareCard. Sababtoo ah liiskani wuxuu isku beddeli karaa si xilliyo ah, hubi inaad had iyo jeer hubiso mybenefitscenter.com.

  • Noocyada kala duwan ee dawooyinka dabiiciga ah sida dhirta, geedo yaryar, iyo kaabayaasha nafaqeynta.
  • Daawooyinka ilmaha
  • Waxyaabaha la isku qurxiyo nooc kasta oo ay ahaadaanba
  • Waxyaabaha wax lagu nadiifiyo ama saabuunta
  • Sheeyada haboon in la isticmaalo; miisaanada, marawaxadaha, kabo, galoofyada
  • Cabbitaannada ka caawiya ka hortagga fuuq-baxa.
  • Kaabyada cuntada
  • Waxyaabaha lagu qurxiyo indhaha iyo wejiga
  • Kareenka wajiga
  • Walxaha dhalaalayee cidiyaha la marsado
  • Aaladaha qurxinta
  • Midabka timaha / waxyaabaha la marsado timaha
  • Kaabista caafimaadka dhirta ku salaysan
  • Midabka faruuryaha la marsado
  • Waxa at isku qurxiyaan raga
  • Daawada afka lagu dhaqdo
  • Baraafuuno
  • Walxaha beddelka; weelasha lagu ridho leeniska lagu xirto gudaha indhaha
  • Waxyaabaha lagu cadeeyo ilkaha

Sideen ku kasbadaa abaal-marinno markaan dhamaystiro hawlaha caafimaadka leh?

Waxaad kasban kartaa lacago abaal-marin dheeraad ah oo lagugu shubayo kaarkaaga CareCard sanad walba, kaliya inaad waqti u samayso caafimaadkaaga. Kaliya dhammaystir hawlaha caafimaadka leh ee u qalma sida booqasho caafimaadka sannadlaha, baadhisyo gaar ah ama ka qaybqaadashada barnaamij caafimaad oo u qalma. Dhammaan hawlaha caafimaadka leh waa in la dhammeeyaa 31da Diseembar sannad kasta Abaalmarintaada waxa lagugu shubi doonaa kaadhkaaga ku dhawaad 30 maalmood ka dib marka aad dhammayso hawsha, waxaanad heli doontaa 90 maalmood ka dib dhamaadka sanadka si aad u isticmaasho abaal-marinahaaga.

Ka dooro hawl caafimaad liiska, waxaanan kuu qaban doonaa wax kasta oo kale. Uma baahnid inaad wax foomam ah buuxiso ama aad na soo wacdo. Waxaad ka hubin kartaa hadhaaga abaal-marinahaaga barta mybenefitscenter.com, adiga oo wacaya 833-684-8472, ama adiga oo isticmaalaya ablikeeshinka mobaylka ee OTC Network.

Abaalmarinada Qof Walba
Ka soo qaado tallaalka hargabka farmashiga ama
adeeg bixiyahaaga
 $25
Dhamaystir Baarista Fayo-qabka ee Sannadlaha ah ama booqasho u dhiganta oo lala yeesho adeeg bixiyahaaga $50 
Dhamaystir Qiimaynta Khatarta Caafimaadka adiga oo ku buuxinaya foom warqad ahaan ama onlayn, ama taleefoon aad kula hadlayso wakiilka CareOregon Advantage Plus $25 
 Abaalmarinada Adeegyada uu kugula Taliyo Adeeg Bixiyahaaga
Dhamaystir raajada naasaha$50
Dhameystir baaritaanka kansarka mindhicirka$50
Abaalmarinada Xubnaha Qaata Qaar Ka Mid Ah Dawooyinka Dhiig Karka
Kala hadal farmashiilaha wax ku saabsan xanibayaashaada ACE ama
Angiotensin receptor blocker (ARB)
$25 wicitaan kasta, ilaa $50
Dhamaystir hal wacid oo buuxi daawada inta badan kugu filan
si aad u daboosho ugu yaraan 80% wakhtiga aad
lagaa rabo inaad isticmaasho daawadan
$50
Abaalmarinnada loogu talagalay Xubnaha Iska diiwaangeliyay Barnaamijka Maareynta Daaweynta (MTM).
Dhamaystir dib u eegista daawooyinkaaga oo dhan
adigoo uu ku caawinayo farmashiilaha
$50
Abaalmarinada la siinayo Xubnaha laga helay Cudurka Sonkorowga
Dhameystir baaritaanka isha ee macaanka$25
Dhameystir baaritaanka kelyaha ee macaanka$25
Dhamaystir baarista A1c$25
Hel dhammaan saddexda abaal-marin ee macaanka$50
Haddi aad wali qabtid su'aalo aysan dukumeentiga ka jawaabin, xor ayaad u tahay inaad ka wacdo kooxdeena Adeega Macmiisha si ay kaaga caawiyaan 503-416-4279, lambarka lacag la'aanta 888-712-3258 ama TTY 711. Saacadaha aan shaqayno waa8 GH ilaa 8 GD todobo maalmood ee usbuucii, 1da Oktoobar ilaa 31da Maarso iyo 8 GH ilaa 8 GD Isniin ilaa Jimce, 1da Abriil ilaa 30ka Sebtembar.

 

Markii ugu danbaysay ee bogga dib loo eegay: Janaayo 1, 2024
H5859_COAWEB_M_2024

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!