Dooro luuqad
Ra'yi-celinta websaytka
Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena
Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!
Ikhtiyaaro dheeri ah, daryeel kii hore ka fiican: Taas weeyi Awoodayadu. Caymiskayaga daryeelka caafimaadku wuxu isku daraa dheefaha Medicaid iyo Medicare waxana uu ugu daraa dheefo dheeri ah qofkasta oo u qalma 2 caymisba. Halkan guji si aad wax dheeri ah uga ogaato qorshaha, dheefaheena, daboolida caymiska daawada la qoray, iyo si aad u ogaato inaad u qalanto.
CareOregon Advantage, caafimaadkaaga ayaa ah mudnaantayada. Waa hadafkayaga inaanu ku siino daryeel la isku halleyn karo, oo tayo sarreeya, oo leh dheefo dheeraad ah iyo inaad hesho daryeel bixiyeyaasha dookhaaga ah. Eeg qaybta khayraadka xubinta si aad u baadho daryeel bixiyeyaasha, wax uga ogaato dheefaha, u aragto liiskayaga daawooyinka caymisku bixiyo iyo waxyaabo kale oo dheeraad ah.
Anaga oo u marayna shuraakadayada, CareOregon, waxa aanu la shaqaynaa sharcidejinta si aanu u hubino in reer Oregon ay helaan daryeel caafimaad oo tayo sare leh. Qaybtayada Nagu Saabsan, waxad ka ogaataa wax dheeri ah oo ku saabsan aagagga aanu u adeegno waxana aad ka heshaa kolba warka cusub ee CareOregon Advantage.
Shabakadayada daryeel bixiyeyaasha koowaad, dhakhaatiirta ilkaha, bixiyeyaasha iyo khubarada caafimaadka habdhaqanka waxa ay inoo sahlaan inaanu ka caawino dad reer Oregon ah oo dheeraad ahi inay helaan daryeel dhamaystiran, isku dubaridan, oo qiimo jaban. Gal qaybtayada Daryeel Bixiyeyaasha si aad u hesho foomam, u gasho Bogayaga Daryeel Bixiyeyaasha, u eegto liiskayaga daawooyinka, iyo waxyaabo kale oo dheeraad ah.
Markii ugu danbaysay ee bogga dib loo eegay: Oktoobar 1, 2024
Sugaya Ansixinta CMS H5859_COAWEB_M_2025