DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Ogosto 8. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Codso wicitaan

Ma rabtaa inaad nala hadasho?

Buuxi foomkan kadib waxaa ku soo wici doona mid kamid ah wakiiladeena si jawaab lagaaga siiyo su'aalahaaga dhammaan.

Codso wicitaan

Miyaad u qalantaa?

Waxaad u qalantaa CareOregon Advantage haddii dhammaan 3-da waxyaabood ee soo socda ay run yihiin:

Medicare Part A waa caymis isbitaal. Kani waa caymiska dabara kharashka isbitaal joogista, ama kharashka xarunta kalkaalinta xirfadeysan. Waxa kale oo ay dabooshaa daryeelka abidka ah iyo qaar ka mid ah daryeelka caafimaadka guriga.  

Medicare Part B waa caymis caafimaad. Wuxuu dabaraa kharashka daryeelka caafimaad ahaan habboon iyo midka kahortagga ah, oo ay ku jiraan daryeelka bukaan-socodka sida booqashooyinka dhakhtarka, baaritaanada iyo tijaabooyinka, cirbadaha, daweynta jirka, la-talinta qaar iyo qalabka caafimaad ee raaga qaarkiis. 

Medicare Parts A iyo B waa qorshayaasha caymiska caafimaadka ee ay maalgaliso dawladda federaalka kuwaas oo ay heli karaan dadka naafada ah, iyo/ama dadka 65 jirka ah iyo kuwa ka wayn, iyo/ama dadka qaba cudurka kelyaha ee heerka ugu danbeeya gaaray. Carruurta iyo dadka naafada ah waxaa lagu dabari karaa qorshahan caymiska.

Si aad u hesho CareOregon Advantage, waa inaad isku diiwaangeliso dheefaha Oregon Health Plan Medicaid. Taasi waxay ka dhigan tahay waa inaad codsato oo laguu aqbalo Oregon Health Plan (OHP) kahor inta aadan bilaabin inaad hesho caymiska caafimaadka ee CareOregon Advantage. Waxba dhib malahan haddii aad Medicaid ka haysato Columbia Pacific CCO, Jackson County CCO, ama adeeg bixiye kale; waxaad u qalantaa inaad iska diiwaangeliso CareOregon Advantage haddii aad leedahay dheefaha OHP.

Haweenay haysa kombiyuutar laabtob ah oo kala furan.

Maanta isqor!

Ku biir CareOregon Advantage inta lagu jiro Muddada Isqorista Sanadlaha ah ee Medicare.

Isqor

Sahmi qorshaheena

Wax badan ka ogow dheefahayaga, daboolida caymiska ee daawada iyo aasaasiyaadka Medicare.

Sahami
Nin sita buug wayn.

Miyaad u qalantaa?

Raadi inaad u qalanto CareOregon Advantage.

U qalmidda
Haweenay sidata kiish taasi oo fiirinaysa taleefankeeda.

Imoow munaasabad

Nagala soo qaybgal dhacdo fool-ka-fool ah si aad wax badan uga barato ikhtiyaaradaada.

Dhacdooyinka

Markii ugu danbaysay ee bogga dib loo eegay: Oktoobar 1, 2024
Sugaya Ansixinta CMS H5859_COAWEB_M_2025

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!