Wax badan ka baro: Waxaa nagu dhacay in oggolaansho la'aan xog la helay taasoo saamayn ku yeelatay xubnaha qaar.

Dooro luuqad

Codso wicitaan

Ma rabtaa inaad nala hadasho?

Buuxi foomkan kadib waxaa ku soo wici doona mid kamid ah wakiiladeena si jawaab lagaaga siiyo su'aalahaaga dhammaan.

Codso wicitaan

Sahmi qorshaheena

Dheefaha qorshaheena caymiska ee 2025 2026

Haddii aad xiiseyneyso inaad is qorto ka hor 2026, waxaad ka heli kartaa dokumentigayaga qorshaha 2025 halkan.

Waxaad ku bixineysaa $0 dhammaan dheefahaan:

Dheefaha

Khidmada caymiska ee bil'laha ah

Lacagta go'an ee lagaa jaro sanadki mar

Booqoshooyiinka Dhaqtarka

  • Xafiiska ama gurigaaga dhexdiisa
  • Booqashada faya-qabka sanadlaha ah iyo/ama baaritaanka jirka ee joogtada ah
  • Daryeelka aasaasiga ah ama takhasuska (shabakadda ku jira)
 
    • Sahayda sonkorowga
    • Baaritaanada sheeybaarka iyo Raajada
    • Qalliinka iyo adeegyada bukaan-socodka
    • Isbtitaal jiifinta bukaan-jiifka
    • Daryeelka degdegga ah (caymis dalka oo dhan ah) iyo booqashooyinka onleenka ah ee daryeelka aan xaaladaha dedegga ahayn
    • Qolka gurmadka degdegga ah (caymis dalka oo dhan ah)
    • Ambalaas (caymis dalka oo dha ah)

    $0

    Dheefaha dheeraadka ah iyo waxyaaba siyaadada u ah xubnaha CareOregon Advantage

    Baaritaanka isha ee joogtada ah (12 bilood oo kasta)

    • Baaritaanka isha ee joogtada ah (12 bilood oo kasta)
    • Muraayadda indhaha ama dhalooyinka isha la saaro (12 bilood oo kasta); dhammaan noocyada garaadooyinka asaasiga ah, isku-dhafan ama qafiifka ah ayaa la dabaraa.

    Kaarka Daryeelka Faa'iidada CareOregon

    • $ 15.50 bishiiba ($ 186 sanadkiiba) alaabta caafimaadka ee bilaa dhakhtarka la iibsado
    • Dakhliga abaalmarinta ee waxqabadyada caafimaadka ee muteysiga leh
    • Adeegyada kaalmada guriga (ilaa 60 saacadood sanadkii)
    • Nidaamka ka-falcelinta xaaladaha degdegga ah ee gaarka ah (PERS)
      • Jawaabta xaaladda gurmadka iyo kormeerka habeen iyo maalin heeganka ah

    $0

    Dheefaha dadka haysta Medicaire iyo Medicaid

    Daryeelka ilkaha oo dheeraad ah

    • Baaritaanka iyo raajooyinka (waxaa kamid ah baaritaanka kansarka afka)
    • Nadiifinta, fluoride, buuxinta iyo ilig bixinta
    • Ilkaha macmalka ah oo dhameystiran 10 sano oo walba iyo qayb ahaan ilkaha 5 sano oo walba haddii uu ku taliyo dhakhtarkaaga ilkaha (Oggolaasho ayaa loo baahan yahay)
    • Wax ka baddelida ilkaha macmalka ah, baddelida iliga bugta ah ee lumay ama jaban
    • Nadiifin qoto dheer oo loogu talagalay cudurka cirridka
    • Adeegyada ilkaha ee gargaarka degdegga ah

    Dheefaha maqalka

    • Baaritaan (12 bilood oo kasta)
    • maqal-kaaliyeyaasha (oggolaansho ayaa loo baahan yahay, ilaa 2 maqal-kaaliyeyaal 5-tii sanaba mar)
    • Battariyada maqal-kaaliyeyaasha (60 xabo halki sanaba)
    • Daawaynta jir duridda iyo daryeelka u jimcinta
      • oggolaansho ayaa loo baahan yahay
    • U keenista cuntada ka dib joogitaanka bukaan-jiifka
      • Laba cunto maalintii 14 maalmood
    • Gaadiidka
      • gaadiid-raac aan xaddidnayn oo laguugu geynayo ballamaha daryeelka caafimaadka
    • Saadka ceshad la'aanta saxarada ama kaadida 
      • xafaayadaha dadka waawayn, nigisyada/suufka dumarka ee la tuuro, bacda joodariga lagu difaaco, gacan-gashiyada
    • Adeegyada turjibaanka ee booqashooyinka xafiiska

    $0

     

    Daabacaadda caadiga ah

    Far waaweyn

    • 2026 Sookoobidda Dheefaha ee COA ga Dheeriga ah (far waaweyn) - Ingiriisi
    • 2026 Sookoobidda Dheefaha ee COA ga Dheeriga ah (far waaweyn) - Español (Isbaanish)
    • 2026 Sookoobidda Dheefaha ee COA ga Dheeriga ah (far waaweyn) - Русский (Raashiyaan)
    • 2026 Sookoobidda Dheefaha ee COA ga Dheeriga ah (far waaweyn) - 繁體中文 (Jayniiskii Hore)
    • 2026 Sookoobidda Dheefaha ee COA ga Dheeriga ah (far waaweyn) - 繁體中文 (Jayniiska La Fudaydiyey)
    • 2026 Sookoobidda Dheefaha ee COA ga Dheeriga ah (far waaweyn) - Tiếng Việt (Fiitnaamiis)

    Nooca maqalka

    • 2026 Sookoobidda Dheefaha ee COA ga Dheeriga ah (dhegaysi) - Ingiriisi
    • 2026 Sookoobidda Dheefaha ee COA ga Dheeriga ah (dhegaysi) - Español (Isbaanish)
    • 2026 SOOKOOBIDDA DHEEFAHA EE COA GA DHEERIGA AH (DHEGAYSI) - Русский (Raashiyaan)
    • 2026 SOOKOOBIDDA DHEEFAHA EE COA GA DHEERIGA AH (DHEGAYSI) - 繁體中文 (Jayniiskii Hore)
    • 2026 SOOKOOBIDDA DHEEFAHA EE COA GA DHEERIGA AH (DHEGAYSI) - 简体中文 (Jayniiska La Fudaydiyey)
    • 2026 SOOKOOBIDDA DHEEFAHA EE COA GA DHEERIGA AH (DHEGAYSI) - Tiếng Việt (Fiitnaamiis)

    Caymiska daawada

    • Liiska Daawooyinka Dhamaystiran ee COA Plus ee 2026 (Far waaweyn) - Af Ingiriisi
    • Liiska Daawooyinka Dhamaystiran ee COA Plus ee 2026 (Far waaweyn) - Español (Af-Isbaanish)
    • Liiska Daawooyinka Dhamaystiran ee COA Plus ee 2026 (Far waaweyn) - Русский (Af-Ruush)
    • Liiska Daawooyinka Dhamaystiran ee COA Plus ee 2026 (Far waaweyn) - 繁體中文 (Af-shiinayska Asaliga ah)
    • Liiska Daawooyinka Dhamaystiran ee COA Plus ee 2026 (Far waaweyn) - 简体中文 (Af-shiinayska La fududeeyay)
    • Liiska Daawooyinka Dhamaystiran ee COA Plus ee 2026 (Far waaweyn) - Tiếng Việt (Af-Fitnaamiis)

    • Liiska Daawooyinka Dhamaystiran ee COA Plus ee 2026 (maqal) - Af Ingiriisi
    • Liiska Daawooyinka Dhamaystiran ee COA Plus ee 2026 (maqal) - Español (Af-Isbaanish)
    • Liiska Daawooyinka Dhamaystiran ee COA Plus ee 2026 (maqal) - Русский (Af-Ruush)
    • Liiska Daawooyinka Dhamaystiran ee COA Plus ee 2026 (maqal) - 繁體中文 (Af-shiinayska Asaliga ah)
    • Liiska Daawooyinka Dhamaystiran ee COA Plus ee 2026 (maqal) - 简体中文 (Af-shiinayska La fududeeyay)
    • Liiska Daawooyinka Dhamaystiran ee COA Plus ee 2026 (maqal) - Tiếng Việt (Af-Fitnaamiis)

    Oggolaansho Hore

    CareOregon Advantage Plus waxay faraysaa adiga ama daawa qorahaaga inaad oggolaansho hore u heshaan daawooyinka qaarkood. Taasi waxay ka dhigan tahay inaad u baahan doonto inaad oggolaansho ka hesho CareOregon Advantage kahor inta aadan qaadanin daawooyinka laguu soo qaray. Haddii aadan oggolaansho helin, waxaa laga yaabaa inaanan dabarin daawada. 

    2026 Shuruudaha Oggolaanshaha Hore ee CareOregon (PDF)

    Daaweynta Kala-horeysa

    Xaaladaha qaarkood, waxaan kaaga baahannahay inaad marka hore isku daydo daawooyin qaar inaad ku daweyso xaaladaada caafimaad kohor inta aanan daawo kale kaaga dabarin xanuunkaas. Tusaale ahaan, haddii Daawada A iyo Daawada B labaduba ay daweeyaan xaaladaada caafimaad, waxaa laga yaabaa inaan dabarin Daawada B inaad marka hore isku daydo Daawada A ma ahane. Haddii Daawada A ay kuu shaqeyn weydo, kadib waxaan kaa dabarin doonaa Daawada B.  

    Waxaad ogaan kartaa haddii daawadaada ay leedahay shuruudo ama xaddidaado dheeraad adigoo eegaya Liiskeena Daawada/Warqada Liiska Daawada.   
    Waxaad naga dalban kartaa inaan ka reebno xaddidaadahan ama xayiraadahan ama liiska kuwa kale, daawooyinka isku midka ah ee daaweyn kara xaaladaada caafimaad. Ka eeg Liiska Daawada/Warqada Liiska Daawada macmluumaadka ku saabsan sida loo codsado ka-reebitaanka. 

    2026 Shuruudaha Doorashada Daawaynta Jaban Bilawga (Step Therapy) ee CareOregon Advantage (PDF)

    Shuruudaha Daaweynta Kala-horeysa ee COA Part B (PDF)

    Su’aalaha Badanka la Iswaydiiyo

    Kaarka CareOregon Advantage CareCard waa faa'iido dheeri ah marka la eego qorshahayaga Plus oo ku siinaya $ 15.50 bishiiba (ilaa $ 186 sanadkiiba) si aad ugu bixiso alaabta caafimaadka ee bilaa dhakhtarka la iibsado. Lacagtan oo haddii kale aad jeebkaaga ka bixin lahayd. Waxaa sidoo kale jiro fursado lagu helo lacag dheeraad ah adiga oo tagaya baaritaanadaada iyo/ama daaweynaya xaaladaha mutyesiga leh ee gaarka ah.  

    Ma jiraan wax kharash ah helitaanka kaarkan waxaana loo isticmaali karaa in lagaga dukaameysto dukaamada sida Albertsons, Walgreens, Walmart, Fred Meyer iyo in ka badan.  

    *Fadlan ogoow: baaritaanada ama hawlaha qaarkood waxaa kaliya heli kara xubnaha buuxiya shuruudaha barnaamijka ama markuu ku taliyo adeeg bixiye. 

    CareOregon Advantage Plus ma lahan khidmada caymiska bil'laha ah ee caymiska caafimaadka ee adeegyada Part A iyo B. Waa inaad sii waddaa bixinta khidmadaada caymiska bil'laha ah ee Medicare Part B haddii aan lagaaga bixinin caymiskaaga Medicaid. Inta badan adeegyada caafimaad ma laha lacagta lagu daro ilaa inta aad ka haysato caymiska Medicaid CareOregon.

    Wixii adeegyada Part D ah, CareOregon Advantage Plus waxay leedahay khidmada caymiska bil'laha ah oo dhan $0 bishiiba wixii ah daawooyinka dhakhtarka uu qoro (khidmada caymiska bil'laha ah oo walba waxaa lagu dabaraa Kabidda Dadka Dakhligoodu uu Hooseeyo).

    Haddii aad u qalanto Caawinaad Dheeraad ah oo ku saabsan kharashyada qorshahaaga dawada ee Medicare, lacag bixinadaada bilaha ah way yaraan doontaa. Markaad ku biirto CareOregon Advantage, Medicare wuxuu noo sheegi doonaa inta Caawimo Dheeraad ah ee aad qaadanayso. Markaa, waxaanu ku ogaysiin doonaa cadadka aad bixin doonto. Haddii aadan helaynin wax Caawinaad Dheeraad ah, waxaad arki kartaa haddii aad u qalanto adigoo wacaya:

    • 800-MEDICARE (800-633-4227)
      Adeegsadayaasha TTY waa inay wacaan 877-486-2048
    • Health Systems Division  (8 a.m. ilaa 5 p.m.)
      Taleefanka: 503-945-5772
      Taleefanka: 800-527-5772
      TTY: 800-375-2863
    • Social Security Administration lambarka 800-772-1213 (7 a.m. ilaa 7 p.m. Isniin ilaa Jimce). Adeegsadayaasha TTY waa inay wacaan 800-325-0778

    An ocodsi onleen ah oo loogu talagalay Caawinta Dheeraadka ah ayaa sidoo kale la heli karaa.

    Maadaama aad xubin ka tahay CareOregon Advantage, inta badan adeegyada caafimaadka iyo booqashooyinka xafiiska ma laha lacagta lagu kordhiyo caymiska Haddii aad hesho biil, ha bixinin. Fadlan wac Qolada Adeegga Macmiilka, kaasoo kula shaqayn kara adiga iyo adeeg bixiyahaaga si loo xalliyo baaqiga lagugu leeyahay. 

    CareOregon Advantage waxay leedahay shabakad adeeg bixiyeyaal oo ay kala dooran karaan xubnaheena. Eeg Diiwaankeena Adeeg Bixiyaha ama agabka raadiyaha adeeg bixiyaha ee onleenka ah si aad u raadiso adeeg bixiye gaar ah, ama aad u aragto haddii adeeg bixiyahaaga haddeer uu ku jiro shabakadeena. 

    Haddii aadan u dooranin adeeg bixiyaha shabakada inuu noqdo adeeg bixiyahaaga aasaasiga ah (PCP) markaad isdiiwaangeliso, waxaan kuu yeeli doono mid. Waxaad bedeli kartaa dhakhtarkaaga aasaasiga ah adigoo ka wacaya Qolada Adeegga Macmiilka 503-416-4279, lambarka lacag-la'aanta 888-712-3258 ama TTY 711. Saacadaha aan shaqayno waa8 GH ilaa 8 GD todobo maalmood ee usbuucii, 1da Oktoobar ilaa 31da Maarso iyo 8 GH ilaa 8 GD Isniin ilaa Jimce, 1da Abriil ilaa 30ka Sebtembar. 

    Muddooyinka isqoriska khaaska ah waa waqtiyo aad u qalmi karto inaad iska diiwaan geliso Medicare inkastoo ay ka baxsan tahay isqorista furan ee Medicare. Isqorista furan, oo sidoo kale loo yaqaan muddada isdiwaangelinta sannadlaha ah (AEP), waxay socotaa Oktoobar 15 ilaa Diseembar 7 sannad kasta. 

    Duruufaha qaarkood, si kastaba ha ahaatee, ayaa kaa dhigaya inaad u qalanto inaad iska qorto Medicare Part A, B ama labadaba waqtiyo kale. Tusaale ahaan: 

    • Haddii aad ka haysato caymis caafimaad shaqadaada (ma aha caymiska qof shaqada aad ka fadhiisatay ama COBRA), waxaad iska qori kartaa caymis cusub wakhti kasta inta adiga ama xaaskaaga/saygaaga weli shaqaynayso. (Ama, haddii aad naafo tahay, marka xubin ka tirsan qoysku uu shaqeynayo.)
    • Muddo siddeed bilood ah oo isqoris khaas ah ayaa waxaa kiciya mid kasta oo ka mid ah labadan dhacdo mid kastoo soo hormartaba: shaqadaadu way dhammaanaysaa ama caymiska caafimaadka kooxda ee uu loo-shaqeeyahaaga ayaa dhammaaday. Daboolashadu waxay bilaaban doontaa bisha soo socota.
    • Haddii aad u qalantid labadaba Medicare iyo Medicaid (Oregon, Qorshaha Caafimaadka Oregon waa Medicaid), waxaad iska qori kartaa Medicare wakhti kasta. Muddada isqoristaadu weligeed ma xidhmayso.

    Haa, sharciyada Medicare waxay siinayaan dadka ka diwaangashan caymiska Medicare Advantage fursad xaddidan oo ay ku beddeli karaa doorashadooda. Fursaddan saddexda bilood ah waxaa loo yaqaannaa Muddada Diiwaangelinta Sanadlaha ah ee Ceymiska Caafimaadka ee Medicare Advantage Laga bilaabo 1da Janaayo ilaa 31da Maarso, waxaad iska dayn kartaa ama ka bixi kartaa caymiskaaga Medicare Advantage oo aad u beddesho caymiskii orijinaalka ahaa ee Medicare Parts A iyo B. Haddii aad ka baxdo, isbeddelku wuxuu dhaqan galayaa maalinta ugu horreysa ee bisha ka dib marka caymiskaagu helo ogeysiiskaaga ka baxida caymiska. 

    Si aad ugu laabato Medicare ee orijinaalka ahaa, la xidhiidh qolada aad ka haysato caymiska hadda, ama wac 800-MEDICARE (800-633-4227). 

    Haddii aad iska diiwaan geliso Medicare Advantage, waxaa laguu oggol yahay inaad iska diiwaangeliso caymiska lagu daboolo daawada dhakhtarka kuu qoro ee Part D. Tani waa muhiim sababtoo ah Medicare ee Orijinaalka ah kuma jiro caymiska lagu daboolo daawada dhakhtarka kuu qoro. Dheefahaada daawada ee Part D ee cusub waxay bilaaban doontaa maalinta kowaad ee bisha ka dib marka qorshuhu helo foomkaada isqorista. 

    Ficilada la ogol yahay inta lagu jiro xilliga ka bixida caymiska waa kuwo aad u yar. Waxaa laga yaabaa inaadan ka guurin hal qorshe oo Medicare Advantage ah aadana u guurin qorshe kale oo Medicare Advantage, waxaa laga yaabaa inaadan ka guurin mid ka mid ah qorshaha Part D oo aadan u guurin mid kale, waxaana laga yaabaa inaadan ka guurin Medicare Asalka ah oo aadan u guurin qorshaha Medicare Advantage. 

    Haweenay haysa kombiyuutar laabtob ah oo kala furan.

    Maanta isqor!

    Ku biir CareOregon Advantage inta lagu jiro Muddada Isqorista Sanadlaha ah ee Medicare.

    Isqor

    Sahmi qorshaheena

    Wax badan ka ogow dheefahayaga, daboolida caymiska ee daawada iyo aasaasiyaadka Medicare.

    Maanta isqor
    Nin sita buug wayn.

    Miyaad u qalantaa?

    Raadi inaad u qalanto CareOregon Advantage.

    U qalmidda
    Haweenay sidata kiish taasi oo fiirinaysa taleefankeeda.

    Imoow munaasabad

    Nagala soo qaybgal dhacdo fool-ka-fool ah si aad wax badan uga barato ikhtiyaaradaada.

    Dhacdooyinka

    Markii ugu danbaysay ee bogga dib loo eegay: Oktoobar 1, 2025
    CMS approved H5859_COAWEB_M_2026

    Ra'yi-celinta websaytka

    Astaanta xiritaanka

    Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

    Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!