DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Ogosto 8. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Dheefaha shaqaalaha

CareOregon waxay bixisaa xirmo shaqaalayn oo xooggan, oo ay ku jiraan mushaharro iyo dheefo kala duwan oo hoos lagu sharraxay, iyo sidoo kale shaqo muhiim ah, dad wanaagsan, iyo deegaan shaqo oo soo dhawayn iyo wada-shaqayn leh oo qofka waxqabadkiisa loo aqoonsado.

Mushaharka shaqaalaha

Mushaharka ugu yar

CareOregon waxay ku dadaalaysaa inay bixiso mushaharka ugu yar oo fiican dhammaan shaqooyinka. Mushaharada kala duwan ee ku qoran shaqooyinka la soo dhejiyo waa qiyaaso macquul ah laga bilaabo mushaharka ugu yar ilaa kan ugu sarreeya ee aanu anagoo ka daacad ah aanu aaminsannahay inuu ku munaasab yahay shaqada, iyadoo aanu ka duulayno duruufaha xilliga shaqada la soo dhejinayo jira. Aakhrika waxa dhici karta inay CareOregon sare u qaaddo ama hoos u dhigto mushaharka la soo dhejiyey maadaama uu sharcigu u oggol yahay.

Abaalmarinada iyo lacagaha kale

Marka laga tago mushaharka ugu yar, shaqaalaha CareOregon waxay u qalmaan abaalmarino. Shaqooyinka qaar ayaa sidoo kale u qalmo lacag dheeraad ah, sida mushaharka laba-af-yaqaanka, mushaharka horjoogaha ama mushaharka heeganka.

Dheefaha shaqaalaha

CareOregon waxay siisaa shaqaalaha u qalma xirmo dhammaystiran oo ay ku jiraan dheefaha soo socdaa.

Caymiska caafimaadka

Waxa jira qorshayaal daryeelka caafimaadka iyo caymisyo badan oo kala duwan, waxaana ka mid ah qorshayaal caafimaad oo ka-goyntiisu sarrayso (high-deductible health plans (HDHP)) iyo xisaabo kaydinta caafimaadka ah (health savings accounts (HSA)) oo loogu talogalay shaqaalaha iyo cidda ay ka masuulka yihiin ee u qalanta. Shaqaalaha dooranaya inuu ka qaybqaato HSA wuxuu heli karaa tabarrucaadka loo-shaqalaaha ee sanadlaha ah oo gaaraya $600 ee daboolida caymiska shaqaalaha oo kaliya/$1,200 ee daboolida caymiska qoyska, oo xisaab lagu soosaaray iyadoo la eegayo taariikhda shaqaalaynta.

Daboolida caymiska ee ilkaha

Ikhtiyaaro qorshe oo kala duwan ayaa u diyaar ah shaqaalaha iyo cidda ay ka masuulka yihiin ee u qalanta, sida qorshaha daboolida caymiska ee caafimaadka ilkaha.

Daboolida caymiska ee aragga

Ikhtiyaaro qorshe oo kala duwan ayaa u diyaar ah shaqaalaha iyo cidda ay ka masuulka yihiin.

Qorsheyaasha caafimaad ee kabka ah

CareOregon waxay siisaa kabka qorsheyaasha shilka, kharashka isbitaalka iyo/ama jirrada/xanuunka daran shaqaalaha iyo cidda ay ka masuulka yihiin ee u qalanta.

Caymis kooxeedka nolosha iyo caymiska dhimashada lama-filaanka ah iyo caymiska qofka curyaama

Caymis kooxeedka nolosha iyo caymiska dhimashada lama-filaanka ah iyo caymiska qofka curyaama waxa heli kara shaqaalaha. Dheefta waxa ka mid ah lacago wakhtiile ah oo ay u bixiso CareOregon oo dhan 100% oo loogu talogalay dheefta caymiska nolosha/curyaamidda oo u dhiganta 1x mushaharka ugu yar ee shaqaalaha, oo gaaraya $50,000.

Caymiska dheeraadka ah nolosha iyo curyaamidda ee shaqaalaha, lammaanaha iyo ilmaha

Caymiska nolosha oo dheeraad ah iyo caymiska curyaamidda oo dheeraad ah ayay heli karaan shaqaaluhu iyo cidda ay ka masuul yihiin ee u qalantaa.

Caymiska nolosha ee caamka/joogtada ah

Caymiska nolosha oo joogto ah ayey heli karaan shaqaalaha iyo cidda ay masuulka ka yihiin ee u qalantaa.

Caymiska naafada muddada gaaban (Short-term disability (STD) ) iyo naafada muddada dheer (long-term disability (LTD))

Caymiska naafada muddada gaaban (Short-term disability (STD) ) iyo naafada muddada dheer (long-term disability (LTD)) waxa heli kara shaqaalaha. Dheefta waxa ka mid ah lacago wakhtiile ah oo ay u bixiso CareOregon oo dhan 100%. Dheefta muddada gaaban waxay bixisaa 60% mushaharka ugu yar ee toddobaadlaha ah ($2,500 ugu badan toddobaadkii) oo gaaraya 90 maalmood, dheefta muddada dheerna waxay bixisaa 60% mushaharka ugu yar ee billaha ah ($10,000 ugu badan bishii).

401(k) qorshaha hawlgabka

CareOregon waxay bixisaa tabarrucaad 3% (ilaalin) wakhti mushahareed kasta, iyadoon la eegin xulashooyinka tabarrucaadka shaqaalaha. CareOregon sidoo kale waxay waafaqdaa 100% ee 2% hore, iyo 50% ee 2% xiga ee tabarrucaadka shaqaalaha ee wakhti mushahareed kasta. Sidoo kale, CareOregon waxay bixin kartaa tabarrucaad iyadu siday garato ah oo sanadle ah oo dheeraad ah.

Shaqaaluhu waxay tabarrucaadka u samayn karaan qaab ku salaysan cashuurta horteed ama cashuurta kadib (Roth) iyaga ayaana iska lahaanaya 100% kadib saddex sano.

Xisaabaha kharash-garaynta furfuran (FSA)

Dakhliga cashuurta kahor waxa dhici karta in loo qoondeeyo daryeelka caafimaadka aan la magdhabayn ee u qalma iyo kharshaadka daryeelka cidda laga masuulka yahay.

Xisaabta Kharash-garaynta Hab-nololeedka (LifeStyle Spending Account (LSA))

CareOregon waxa ka go'an caawinta in shaqaalaheenu ilaaliyaan caafimaad-qabkooda. Shaqaalaha u qalmaa waxay heli karaan lacag gaaraysa $100 bishii (oo ay yihiin qaar u qalma dheefta) si ay ugu kharash gareeyaan waxyaalaha loo oggol yahay inay ku bixiyaan si ay u hagaajiyaan fayoqabkooda jireed, dhaqaale, ama niyadeed. Xisaabtani 100% waa mid loo-shaqeeyuhu maalgaliyo.

Barnaamijyada fayoqabka

Waxaanu siinaa barnaamijyo fayoqab oo wata farsamooyin xeeldheer, khayraad, iyo abaalmarino loogu talogalay in laga caawiyo shaqaalaha inay baraaraan. Shaqaalaha iyo cidda ay ka masuulka yihiin waxay ka qaybqaadan karaan barnaamij onlayn ah oo bixiya loolamo iyo aqoonkororsiyo fayoqab, fursadna u siiyaa inay abaalmarino ku guulaystaan, iyo waxyaalo kale!

Dheefo xaddidan oo loogu talogalay shaqaalaha kumeel gaarka ah iyo kuwa aan wakhtiga buuxa shaqayn

Shaqaalaha ka tirsan labada qaybood ee soo socdaa waxay u qalmaan dheefaha xaddidan.

  1. Shaqaalaha Joogtada ah ama Kaydka ah ee loo muddeeyey inay shaqeeyaan wax ka yar 20 saacadood toddobaadkii
    • Qorshaha 401(k)
    • Fasaxa xanuunka ee gobolka
    • Barnaamijka Kaalmada Shaqaalaha
    • Qorshaha fayoqabka
    • Qiime-dhimisyada
  2. Shaqaalaha kumeel gaarka ah ee loo muddeeyey inay shaqeeyaan tirada saacadaha ay rabaan
    • Qorshaha 401(k)
    • Fasaxa xanuunka ee gobolka
    • Barnaamijka Kaalmada Shaqaalaha

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!