DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Ogosto 8. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Shuruudaha isticmaalka

Shuruudaha Isticmaalka Websaydka CareOregon

Aqbalaadda Shuruudaha ka Dib Markaad isticmaasho

Markaa disticmaasho CareOregon.org ("Websaydka", "bogga"), waxaad aqbashay inay ku qabanayaan dhammaan shuruudihiisa, xaaladihiisa iyo ogeysiiska ku jira boggan, oo ay ku jirto Siyaasadda Asturnaanta. Shuruudaha Isticmaalka waxa aanu beddeli karnaa markasta annagoo kuwa la naqtiimay aanu soo dhigayno websaydkan, oo sii isticmaalkaaga boggan wuxu ka dhigan yahay inaad aqbashay shuruudaha la naqtiimay. Si taas la mid ah, waxa aanu kugu dhiirigelinaynaa inaad Shuruudaha Isticmaalka muddadiiba mar dib u fiiriso, oo haddii aadan ku raacsanayn shuruudaha ama bayaankasta oo la naqtiimay, islamarkiiba iskaga bax bogga.

Gelitaanka Baaswoodh lagu Ilaashay

Qaabab gaar ah oo aad u isticmaalayso boggan ayaa u baahan kara inaanu ku siino fure isticmaale iyo baaswoodh. Waxaad aqbashay inaad baaswoodhka ula dhaqanto inuu kuu gaaryahay oo yahay macluumaad sir ah oo aad ka masuul tahay dhammaan isticmaalka adeegyada CareOregon ee lagu soo galo baaswoodhkaaga. Baaswoodh iyo isticmaale gaar ah waa in la siiyaa qof kasta oo isticmaalaya websaydka; dhowr qof oo isku hay'ad ah ma wadaagi karaan magacyada isticmaalaha iyo baaswoodhada. Waxaad aqbashay inaad adeegyada baaswoodhka lagu ilaaliyay u isticmaasho keliya ujeedada(ujeedooyinka) lagugula heshiiyay markaad heshay baaswoodhka. Waxaad aqbashay inaad CareOregon ka difaacdo, ka eedtirto oo aadan u qabsan wax dhibaato, sheegasho, deyn ama kharash ah oo ka dhasha isticmaal aan la ogolayn oo dhacay ka dib marka baaswoodhkaaga bogga lagu soo galay.

Hantida Maskaxeed

Waxaad aqbashay in dhammaan hantida maskaxeed ee gaarka loo leeyahay ee websaydkan ku jirta ay dhowreen qodobo xuquuq daabiciseed, astaan ganacsiyeed, astaamo adeeg, siro ganacsi, farsamo aqooneed iyo/ama waxyaabo kale oo ay leeyihiin CareOregon, Inc ("CareOregon") ama cidda shatiyo na siisa. Waxaad hantida maskaxeed ee ku jirta boggan u isticmaali kartaa keliya qaabka sida cad loogu sheegay Shuruudahan Isticmaalka oo wax ujeedo kale ah lama ogola. Marka laga reebo halkii si kale loo sheego, CareOregon waxay ku siinaysaa shati xaddidan oo aad ku fiiriso, kula soo degto oo ku daabacato boggaga kelikelida ah, foomamka ama dukumiintiyada ka socda boggan si aad qaab shaqsi ah ugu isticmaaho, adiga oo aan u adeegsanayn ujeedooyin ganacsi, lamana ogola inaad gaddo, shati ahaan u bixiso, kirayso, sii qaybiso, dib u daabacdo, dib u soo saarto, gudbiso, si furan dadwaynaha ugu soo bandhigto, ka sameyso waxyaabo kale ama si kasta oo kale uga faa'iidaysato xogta bogga ku jirta, ha isku dhanaato ama qayb ha ahaatee. Waxaad aqbashay in aadan ogeysiisyada ama xusitaanka cidda leh dukumiintiyada ama waxyaabaha kale ka saaray xog kasta oo boggan leeyahay. CareOregon way la laalaban kartaa shatigan markasta.

Afeef Dammaanadeed

WAXAAD SI CAD U OGOLAATAY IN DHAMMAAN DUKUMIINTIYADA AMA WAXYAABAHA KALE, MACLUUMAADKA, BADEECOOYINKA IYO ADEEGYADA KU JIRA AMA LAGA HELAYO BOGGAN ("XOG") LAGU BIXIYAY "SIDA AY YIHIIN" IYO "SIDA LAGU SOO BANDHIGAY" MARKAAD ISTICMAALAYSO. XOGTA WAXA LA BIXIYAY IYADOO AANAY JIRIN WAX DAMMAANAD AH NOOCAY TAHAYBA, HA NOQDO MID SI WAADAXA LOO SHEEGAY AMA MID LA CARRABAABAY, OO AY KA MID YIHIIN, IN KASTOO AANAY KU XADDIDNAY, DAMAANADAHA MAGACA, DAMAANAD XADGUDUB LA'AAN AMA MID LA MALDAHAY OO MUUJINAYA INAY U QALANTO WAXA LOO SOO GATAY AMA LOO ISTICMAALAYO AMA DAMAANAD KALE, MARKA LAGA YIMAADO DAMAANADAHA AAN LA DHAAFI KARAYN, XADDIDAADAHA, AMA ISBEDDELADA KALE EE UU WAAAJIBIYO SHARCI U QALMA. CAREOREGON AMA SHIRKADAHA HOOSYIMAADDA AMA SHATIBIXIYAYAASHEEDA MIDKOODNA, MA DAMAANAD QAADAYO IN XOGTU SAXAN TAHAY, LA ISKU HALLAYN KARO AMA HUBANTI TAHAY; IN BOGGAN LAGA HELI KARAYO WAX GOOB AH WAQTINA; IN WIXII CILLADO AMA KHALADAAD AH LA SAXAYO; IN XOGTA KU JIRTA BOGGA AY KA MADHAN TAHAY FAYRASYO AMA WAXYAABO KALE OO DHIB LEH; AMA INAAD NATIIJOOYIN GUUL LEH KA GAARAYSO MARKAAD RAACDO WIXII TILMAAMO, HAGITAAN AMA TALO AH EE KU JIRA WEBSAYDKAN.

Xaddidista Qaamaha

MA JIRTO XAALAD CAREOREGON AMA SHIRKADAHA HOOSYIMAADDA AMA SHATIBIXIYAYAASHEEDA AY MASUUL KA NOQONAYAAN WIXII WAXYEELOOYIN TOOSA, AAN TOOS AHAYN, CIQAABEED, SHIL AH, KHAAS AH AMA CAWAAQIB AHAAN U DHACAY EE KA DHASHAY ISTICMAALKA, AMA ISTICMAAL LA'AANTA WEBSAYDKANA AMA MACLUUMAAD LAGU BIXIYAY WEBSAYDKAN. XADIDAADANI WAY DABAQMAYSAA HADDII QAANTU KU SALAYSAN TAHAY QANDARAAS, KALA DHINAANSHO, DAYACAAD, QAAN XAYIRAADEED AMA WAX KASTA OO KALE OO WAX LAGU SALEEYO, XITAA HADII NALAGU SOO WARGELIYAY IN WAXYEELADAASI DHICI DOONTO. HADDII SHURUUCDA QAAR AANAY OGOLAYN DIIDISTA AMA XADDIDISTA MASUULIYADA WAXYEELOOYINKA SHILKA AH AMA SABAB KA DHASHAY, QAANTA NAGA SOO RAACAYSA SHURUUCDAAS WAXAY KU KOOBNAAN DOONTAA ILLAA HEERKA SHARCIGU OGOL YAHAY. MARNABA WAA IN AANAY QAANTA LAGA RABO CAREOREGON KORMARI KARIN XADDIGA LACAGTA EE LA BAXSHAY SI LOO SOO GALO WEBSAYDKEENA.

Eed ka Dhaafis

Waxaad qiratay inaad ka difaacayso, oo ka kaafiyayso ama u qabsanayn CareOregon iyo xubnaheeda, shaqaalaheeda, saraakiisheeda, agaasimayaasheeda, wakiiladeda, qandaraaslayasha iyo shatibixiyayaasheeda qaan, sheegasho, iyo kharash kasta, oo ay ka mid yihiin khidmadaha qareemada, ee ka dhasha isticmaalkaaga websaydkan ama wixii ku jira, oo ay ku jiraan iyada oo aanay ku xaddidnayn, ku xadgudubkaaga Shuruudaha Isticmaalka. Waxaanu xaq u leenahay in, annaga kharashkeena la baxayna, aanu difaac noo gaar ah sameyno oo maaraysano xaalad ay ahayd inaad naga kaafido difaaceeda adigu, oo waad aqbashay inaad nagala shaqayso meelmarinta difaaca aan wadno.

Isticmaalka Caalamiga ah

Marka aad doorato inaad websaydkan ka soo gasho meel aan ahayn Maraykanka, waxaad aqbashay inaad qaadayso masuuliyadda buuxda ee u hogaansanka sharciyada maxalliga ah ee ku dabbaqmaya boggana ama xogtiisa. CareOregon ma damaanad qaadayso in xogta ku jirta websaydkan ay ku habboon tahay ama laga helayo meel ka baxsan waddanka Maraykanka, oo in laga soo galo meel xogtooda sharciyan aan laga ogolayn waa mamnuuc.

Sharci Xulasho

Heshiiskan waa in, marka loo adeegsanayo ujeedooyin maxali ah ama kuwo caalami ah, loo turjumo, fasiro oo dhaqangeliyo keliya qaab waafqsan shuruucda Gobolka Oregon ee Maraykanka, iyada oo aan loo tixgelinayn sida uu u khilaafayo wixii shuruuc ah ee kale. Waxaad si cad u aqbashay in wixii arrimo sharci ah ama eed ama ficil ah ee ka dhasha ama la xiriira Shuruudaha Isticmaalka ama isticmaalkaaga websaydkan waa in keliya loo gudbiyaa maxkamadaha federaalka ama kuwa gobolka ee ku yaalla Gobolka Oregon, oo waxaad intaas ka dib aqbashay in maxakmadahaasi qaadi karaan ama ka garnaqi karaan wixii dacwado ah ee khuseeya eedaha ama sheegashadaas.

Isdhexgalka iyo Kala-reebista

Shuruudahan Isticmaalku waa heshiiska keliya ee isku dhan oo u dhexeeya adiga iyo CareOregon marka websaydka laga hadlayo waxayna burinayaa dhammaan xiriiradii iyo soo jeedinihii hore ee khuseeyay boggan. Haddii wax qodob ah oo ku jira Shuruudahan Isticmaalka la go'aamiyo inaanu ansax ahayn ama aan la dhaqan gelin karayn, dhammaan qodobada kale waa kuwo si buuxda u dhaqangalasan.

Isticmaalka aan la Ogolayn iyo Joojinta

Waxaad aqbashay inaad websaydkan u isticmaalayso keliya hawlaha la ogol yahay ee sharicga ah. Isticmaalka aan la ogolayn ee boogan waxa ka mid ah inaad meel kale ku soo xiriiriso bogga adiga oo aan ogolaansho qoran ka haysan CareOregon. Waxaad sidoo kale aqbashay in aadan "abka ku xiriinayn" boggaga websaydka ee gudaha ujeedo kasta oo ay tahay, illaa adiga oo si khaas ay CareOregon kuugu ogolaadaan maahane. Isticmaal kasta oo aan lagu ogolayn oo loo adeegsado bogga waxa ka dhalan karan dacwad madani iyo/ama ciqaabeed. CareOregon waxay xaq u leedahay, inay keligeed, joojiso gelitaankaaga dhammaan ama qyab ka mid ah goobtaada, iyadoo ogeysiis bixinaysa ama aan bixinayn, iyo sabab kasta waxay doonto ha noqotee.

Nala Soo Xidhiidhista

Haddii aad wax su'aalo ama walaacyo ah ka qabto bayaanka Shuruudaha Isticmaalka CareOregon, fadlan iimayl noogu soo dir  customerservice@careoregon.org. Fadlan fariimahaaga u waadixi oo kala qaadqaad sida ugu fiican ee aad awooddo, annana waxaan isku dayi doonaa inaan si dhaqso ah uga soo jawaabno walaacyadaada.

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!