DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Ogosto 8. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Qiimahayada RUUXIGA AH

Waxa na dhiirigaliya: qiyamkeena SARREEYA

Shaqaalaha CareOregon ahaan, waxaynu ku shaqaynaa qiyamyo tiro ah kuwaasi oo dhiirigaya jiritaanka ururkeena. Qiyamyadani waxay qeexaan go'aan-qaadashadeena, shaqadeena iyo ballanqaadkeena aan midho-dhalin ee ku aaddan bulshadeena. Waxay na xasuusiyaan sidaynu dhexdeena isula dhaqano iyo sida dadka aynu u adeegno ula dhaqano. Waxaynu nahay CareOregon, inagoo wadanna qiyamkeena SARREEYANA wadajirka ayaynu ku caano maalnaa. 

Adeegga

Waxaanu si joogto ah sare ugu qaadnaa dhaqan adeeg heerkiisu sarreeyo iyo iskaashi si bulshada oo dhan uga faa'iddo.

Xamaasad

Waxyaalaha loolanka leh waanu soo dhawaynaa, waxa naga go'an inaanu isbaddal keeno, inaanu ku mashquulo shaqadeena oo ay dhiirigalin noo noqoto nafaha aanu noloshooda sare u qaadno.

Hindise

Waxaanu nahay isbaddal-dhaliayayaal kuwaasi oo karti u leh inay gartaan fursadaha qiimana u yeela adeegyada ay bixiyaan.

Natiijooyinka

Ujeedadayadu waa noo caddahay waana waxa nagu dhiirigaliya inaanu samayno ballanqaad wadajira si aanu u gaarno natiijooyinka aad u wanaagsan oo ay helaan ururkeena, saaxiibada, bulshada iyo xubnaha.

Casriyeyn

Waxaanu sare u qaadnaa halabuurka oo dhiirigalinaa deegaan dadku ay xor u yihiin inay sahamiyaan fursadaha oo aysan caqabad ku ahayn sida wakhtigaas wax loo qabto.

Wada-shaqayn

Waxaanu nahay shakhsiyaad ay isku keentay himilo kuna gaara natiijooyin abuurista jawi ku dhisan xushmad, aaminaad, naxariis, iskaashi iyo xiriir furan.

Sinnaan

Waxaanu dadka oo dhan ula dhaqanaa si dhexdhexaad ah, bilaa eex ah oo caddaalad ku dhisan.

Kala-qolo

Waxa naga go'an inaanu dadka kale fahamno, xushmad u muujino kala duwanaanta oo aanu samayno wax dulqaad ka badan si aanu u aqbalno uguna dabbaaldegno qaninimada qof kasta ku duugan.

 

HALKAN GUJI
SI AAN U GALNO
BOGGEENA XIRFADAHA

 

 

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!