DIGTOON: Heerku wuu kacayaa Ogosto 8. Khayraadkeena Kulka Daran ayaa ku caawin kara.

Dooro luuqad

Wax badan ka baro: Walgreens wuxu hadda ku jiraa shabakadda farmasiyada.

Bogga Xubinta

Astaamaha bogga xubinta

Bogga Xubinta CareOregon, xubnuhu waxay:

  • Ka heli karaan macluumaadka dheefaha.
  • Ka fiirin karaan daawooyinkooda uu dhakhtarka usoo qoray.
  • Nooga soo diri karaan fariin sugan waxayna ka heli karaan macluumadka nagala soo xiriiri karo.
  • Ka fiirin karaan taariikhda gudbintooda.
  • Ka raadsan karaan adeeg bixiye.
  • Ka fiirin karaa daawooyinka dhakhtarku qoro ee la ansixiyay (liiska daawooyinka).
  • Ka raadsan karaan foomamka inta badan la isticmaalo.
  • Ku miijin karaan sida ay jecel yihiin in loola soo xiriiro.
Galida Bogga Xubinta

Soo degso ablikeeshinka taleefoonka gacante ee MyCareOregon 

Isticmaal taleefankaaga casriga ah si aad u hubiso faahfaahinta dheefahaaga! Ablikeeshinka taleefoonka gacanta ee MyCareOregon waxaa lagu isticmaali karaa Android iyo iOS. Qalabyada qofka iskiis u isticmaali karo ee laga helo gudaha ablikeeshinka ayaa kaa caawin karo inay kugu hagto maclaamaadka ku saabsan dhaafahaaga. 

Soo degso ablikeeshinka>

Isdiwaangeli si aad u isticmaasho Bogga Xubinta

Xubnaha CareOregon Advantage waxay geli karaan Xariirka Xubinta ka dib diiwaangelin kooban oo khadka ah. Si lamid ah adeegyada kale ee onlaynka, diiwaangelintu waxay ku marisaa abuurista magaca lagu galo iyo baasweer. Waxaad sidoo kale bixin doontaa jawaabaha su'aalaha sugida amniga akoonka qaarkood.

Si aad isu diiwaangeliso, waxaad u baahan doontaa inaad geliso lambarkaaga aqoonsiga xubinta. Waxaad ka heli kartaa kaarka aqoonsiga xubinta ee Health Share.

Ogsoonoow: Boggeena Xubintu waxa kaliya loogu talagalay xubnaha ka weyn da'da 18 sano.

Markaad hesho macluumaadkaaga, raac talaabooyinkan:

  1. Tag bogga diwaangelinta HealthTrio.
  2. Geli lambarka aqoonsigaaga Xubinta, magacaaga iyo taariikhdaada dhalashada.
  3. Markaad tagto bogga xiga, dooro magac aad ku gasho. Waxaan kugula talinaynaa inaad isticmaasho ciwaankaada iimaylka si aad si fudud ugu xasuusato.
  4. Raaci tilmaamaha kadibna guji Submit (Gudbi).
  5. Markaad si guul leh isku diwaangeliso, bogga galista akoonka shaqa bilaabi doona. Kadibna waad ku geli kartaa tafaasiisha aad ku dooratay shaashadii hore.
  6. Haddii aad kala kulanto wax dhibaato ah isdiwaangelinta ama galitaanka akoonka, kala xiriir hawlwadeenada bogga lambarka 877-814-9909.


Sida loo isticmaalo Boggaaga Xubinta

Fiirso fiidyaha soo socda si aad ula socoto sifooyinka aad ka heli karto gudaha marinka xubinta.

Ra'yi-celinta websaytka

Astaanta xiritaanka

Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!