Barnaamijyada Maaraynta Daawooyinka
Waxaan u sameynaa dib u eegista isticmaalka maandooriyaha xubnahayaga si aan u hubinno inay helayaan daryeel badbaado iyo badbaado leh. Dib u eegisyadani waxay si gaar ah muhiim ugu yihiin xubnaha haysta bixiyeyaal badan oo qoraya daawooyinkooda.
Waxaan dib u eegis ku samaynaa mar kasta oo aad buuxiso warqad dhakhtar. Waxaan sidoo kale dib u eegnaa diiwaanadayada si aan u raadino dhibaatooyinka iman kara sida:
- Khaladaadka daawada ee suurtogalka ah.
- Daawooyinka laga yaabo inaan loo baahnayn sababtoo ah waxaad qaadanaysaa daawo kale si aad u daaweyso isla xaalad caafimaad.
- Daawooyinka laga yaabo in aanay ammaan ahayn ama ku habboonayn da'daada ama jinsigaaga dartii.
- Daawooyinka la isku daray qaarkood oo wax ku yeeli kara haddii isku maraad qaadato.
- daawooyinka dhaktarku kuu qoray ee ay ku jiraan maaddooyinka aad xasaasiyad ku leedahay
- Khaladaadka suurtagalka ah ee qaddarka (qiyaasta) ee daawada aad qaadanayso.
Haddii aan ku aragno dhibaato suurtagal ah isticmaalkaaga dawada, waxaanu kala shaqayn doonaa dhakhtarkaaga si loo saxo dhibaatada.
Haddii aad rabto inaad wax badan ka barato barnaamijyadan, wac Adeegga Macmiilka 503-416-4279 ama khadka bilaashka ah { [#3]}-712-3258. Dadka isticmaala TTY waxay ka wici karaan 711. Saacadaha aanu shaqayno waa: Oktoobar 1 ilaa Maarso 31, 8 galinka hore ilaa 8 galinka danbe maalin kasta; iyo Abriil 1 ilaa Sebtembar 30, 8 galinka hore ilaa 8 galinka danbe, Isniin-Jimce. Waxaad sidoo kale noo soo diri kartaa fariin amnigeedu sugan yahay adoo soo maraayo dagalka xubinta.
Markii ugu danbaysay ee bogga dib loo eegay: Oktoobar 1, 2024
Sugaya Ansixinta CMS H5859_COAWEB_M_2025