Wax badan ka baro: Waxaa nagu dhacay in oggolaansho la'aan xog la helay taasoo saamayn ku yeelatay xubnaha qaar.

Dooro luuqad

Wax badan ka baro: Walgreens wuxu hadda ku jiraa shabakadda farmasiyada.

Su'aalaha Inta badan La isweydiiyo ee ku saabsan CareCard

Su'aalaha Inta Badan La Isweydiiyo ee ku saabsan Kaadhka CareCard - Loogu talagalay Xubnaha

Waa maxay CareOregon Advantage CareCard?

CareOregon Advantage CareCard waxa uu ku yimaaddaa lacag hore loogu sii shubay, waxana uu leeyahay qaybo kala duwan oo lacago ah, oo loo yaqaan "wallets":

  • 2026, waxaad heleysaa $ 15.50 bishiiba ($ 186 sanadkiiba) si aad ugu bixiso alaabta caafimaadka ee bilaa dhakhtarka la iibsado. 

    Lacagta bil kasta ayaa si otomaatig ah loogu shubi doonaa kaarkaaga si aad ugaga iibsato alaabta caafimaadka dukaamada sida Albertsons, Walgreens, Walmart, Fred Meyer iyo in ka badan.
  • Abaalmarinada loogu talagalay dhamaystirka hawlaha caafimaad ee xubnaha u qalma: Waxa aad heli kartaa lacag dheeraad ah oo lagugu daro kaadhkaaga sanad walba, keliya si aad wakhti ugu samayso caafimaadkaaga. Fadlan ogow: Baadhitaannada ama hawlaha qaarkood waxaa heli kara oo keliya xubnaha buuxiya shuruudaha barnaamijka ama marka uu ku taliyo adeeg bixiye.

    Sideen ku helaa CareOregon Advantage CareCard?

    Kaadhkaaga CareCard ayaa laguu soo diri doonaa boostada kadib markaad iska diiwaan geliso CareOregon Advantage Plus. Waxaan kaliya kuu soo diri doonaa kaar cusub haddii aad soo sheegto inuu kaa lumay ama haddii aan isbeddel ku samayno barnaamijka.

    Halkee ayaan ku isticmaali karaa?

    In 2026, Kaarkaaga CareCard waxa ku jiri doona $ 15.50 oo lagu shubo bilowga bil kasta. Waxa loo adeegsan karaa isla farmasiyada iyo dukaanada ku qoran halka sare.

    Si aad u hesho liis dhamaystiran oo tafaariiqleyaasha ku jira ah, waxa aad qabataa mybenefitscenter.com waxana aad ku gashaa lambarkaaga CareCard. Waxa kale oo aad ka heli kartaa liiska tafaariiqleyda ka qaybqaanaya adigoo isticmaalaya ablikeeshinka mobaylka OTC Network. Ka soo degso ablikeeshinka Google Play ama iTunes App Store adiga oo raadinaya "OTC Network."

    Ugu geynta qofka guriga
    Waxa aad gurigaaga ku heli kartaa alaabta aad u qalanto iyadoon wax lacag dheeraad ah aan lagaa qaadin iyadoona ay kuu soo dirayso Medline. Waxaad u baahan doontaa lambarkaaga CareCard:

    Waxaad ku heli doontaa dalabkaaga laba maalmood oo shaqo gudahood ka dib marka laga shaqeeyo.

    Qadar lacag ah meel dhigan karaa bil kasta?

    Bilowga bil kasta, lacag ayaa si otomaatig ah loogu dari doonaa isla kaarka. Lacag kasta oo ku hartay kaarkaaga dhammaadka bil kasta way dhacaysaa. Uma sii gudbi doonto bisha soo socota. Isticmaal lacagta ku jirta kaarka ka hor dhammaadka bil kasta si aad u hesho lacagta buuxda. Waxa aad qabataa mybenefitscenter.com si aad u hesho tafaasiil dheeraad ah.

    Sideen u isticmaalaa?

    Marka kaadhka laguugu soo diro boostada, hawlgeli adiga oo wacaya 833-684-8472 ama booqanaya mybenefitscenter.com. Kadib, waxaad kaga soo dukaamaysan kartaa tafaariiqle kasta oo ka qayb qaadanaya. Hubi inaad la imaato kaadhkaaga CareCard marka aad keenayso agabyadaada la daboolo miiska lacagta lagu bixiyo. Qadar kasta oo aad ku kharash garayso agabyada u qalma waxa laga jarayaa kaadhkaaga, ilaa iyo inta la ogol yahay. Hadhaaga kasta oo soo hara waxa lagu qori doonaa qaybta hoose ee rasiidkaaga waxaana la isticmaali karaa ilaa inta ay ka bilaabmayso xilliga dheefta xigta.

    Credit vs debit
    Kaarkani wuxuu u shaqeeyaa sida kaarka daynta. Waa inaad doorataa "credit" marka akhriyaha kaarka uu ku weydiiyo sida aad u rabto inaad u isticmaasho kaarkaaga. Haddii aad doorato "debit," kaadhku ma shaqayn doono!

    Ablikeeshinka mobaylka ee CareCard "OTC Network"
    Ablikeeshinka lagu isticmaalo Android iyo iPhone labadaba wuxuu ka dhigayaa isticmaalka dheeftan mid aad u fudud. Waxaad fiirin kartaa hadhaaga akoonkaaga, iskaan mari barcodes ku yaala goobaha tafaariiqda, ka baadh liiska agabyada u qalma iyo wax kaloo badan. Ka soo degso ablikeeshinka Google Play ama iTunes App Store adiga oo raadinaya "OTC Network."

    Maxaa lagu daboolaa?

    Kaarkaaga CareCard wuxuu daboolayaa kumanaan alaab caafimaad oo u qalma. Liis la raadin karo oo ah agabyadaa caafimaadka ee la daboolo ayaa la heli karaa iyadoo la raacayo tillaabooyinkan: 

    • Tag barta mybenefitscenter.com
    • Gali lambarka 19-jiifar ah ee ku qoran qaybta hore ee karkaaga
    • Markaad gudaha u gasho aagga loo gaar yeelay xubinta, guji "Product (Alaabta)" ee ku taal barta buluugga ee kore. Tani waxay soo saari doontaa Alaabta U qalma ee la raadin karo.
    • Liiska hoos u baxa "Tafaariiqleyda" ee midigta, ka dooro dukaanka aad rabto inaad raadiso (sida Walgreens, Walmart ama Fred Meyer).

    Haddii aadan weli diiwaan gelinin kaarkaaga CareCard, waxaad sidaas ku samayn kartaa barta mybenefitscenter.com. Haddii aad qabto wax su'aalo ah, ama aadan heli karin kombuyuutar, fadlan soo wac Qolada Adeegga Macmiilka inta lagu jiro saacadaha shaqada waana ku caawin karnaa.  

    Fadlan ogow: Alaabooyinka qaarkood ayaa laga yaabaa ina lagu daboolo caymiskaaga Medicare ama Medicaid. Marka shay uu daboolo Medicare ama Medicaid, waa inaadan u isticmaalin kaarkaaga CareCard si aad u iibsatid, sababtoo ah waxaa daboolaya caymis kale oo kama mid aha dheeftaada dheeraadka ah ee kaadhka CareCard. Tusaale ahaan, faashad waxa laga yaabaa in lagu daboolo Part D marka loo isticmaalo, warqaduu dhakhtarka soo qoray, si layskugu duro insulin. Ama daawada loratadine ee meelaha laga soo gato, siduu dhakhtarka qoray, waxa dabooli kara Medicaid. Markay xaaladahan dhacaan, waa inaad keentaa daawada uu dhakhtarka kuu soo qoray iyo kaarkaaga Aqoonsiga Xubinta ee CareOregon Advantage miiska farmasiga.

    Maxaan loo daboolin?

    Waxyaabaha aan u Qalmin

    Waa kuwan qaar ka mid ah alaabaha aan lagu daboolin dheefta kaarka CareCard. Sababtoo ah liiskani wuxuu isku beddeli karaa si xilliyo ah, hubi inaad had iyo jeer hubiso mybenefitscenter.com.

    • Noocyada kala duwan ee dawooyinka dabiiciga ah sida dhirta, geedo yaryar, iyo kaabayaasha nafaqeynta.
    • Daawooyinka ilmaha
    • Waxyaabaha la isku qurxiyo nooc kasta oo ay ahaadaanba
    • Waxyaabaha wax lagu nadiifiyo ama saabuunta
    • Sheeyada haboon in la isticmaalo; miisaanada, marawaxadaha, kabo, galoofyada
    • Cabbitaannada ka caawiya ka hortagga fuuq-baxa.
    • Kaabyada cuntada
    • Waxyaabaha lagu qurxiyo indhaha iyo wejiga
    • Kareenka wajiga
    • Walxaha dhalaalayee cidiyaha la marsado
    • Aaladaha qurxinta
    • Midabka timaha / waxyaabaha la marsado timaha
    • Kaabista caafimaadka dhirta ku salaysan
    • Midabka faruuryaha la marsado
    • Waxa at isku qurxiyaan raga
    • Daawada afka lagu dhaqdo
    • Baraafuuno
    • Walxaha beddelka; weelasha lagu ridho leeniska lagu xirto gudaha indhaha
    • Waxyaabaha lagu cadeeyo ilkaha

    Sideen ku kasbadaa abaal-marinno markaan dhamaystiro hawlaha caafimaadka leh?

    Waxaad kasban kartaa lacago abaal-marin dheeraad ah oo lagugu shubayo kaarkaaga CareCard sanad walba, kaliya inaad waqti u samayso caafimaadkaaga. Kaliya dhammaystir hawlaha caafimaadka leh ee u qalma sida booqasho caafimaadka sannadlaha, baadhisyo gaar ah ama ka qaybqaadashada barnaamij caafimaad oo u qalma. Dhammaan hawlaha caafimaadka leh waa in la dhammeeyaa 31da Diseembar sannad kasta Abaalmarintaada waxa lagugu shubi doonaa kaadhkaaga ku dhawaad 30 maalmood ka dib marka aad dhammayso hawsha. Lacagta abaalmarintu ma dhacayso dhammaadka bisha ama bilowga sanad cusub xubnaha sida joogtada ah u qoran.

    Ka dooro hawl caafimaad liiska, waxaanan kuu qaban doonaa wax kasta oo kale. Uma baahnid inaad wax foomam ah buuxiso ama aad na soo wacdo. Waxaad ka hubin kartaa hadhaaga abaal-marinahaaga barta mybenefitscenter.com, adiga oo wacaya 833-684-8472, ama adiga oo isticmaalaya ablikeeshinka mobaylka ee OTC Network.

    Abaalmarinada Qof Walba
    Ka soo qaado tallaalka hargabka farmashiga ama
    adeeg bixiyahaaga
    $25
    Dhamaystir Baarista Fayo-qabka ee Sannadlaha ah ama booqasho u dhiganta oo lala yeesho adeeg bixiyahaaga $50 
    Buuxi Qiimeynta Khatarta Caafimaadka adoo buuxinaya foom warqad ah, onlaynka, ama taleefanka oo uu kaa buuxin doono wakiil CareOregon Advantage Plus ka tirsan $25 
     Abaalmarinada Adeegyada uu kugula Taliyo Adeeg Bixiyahaaga
    Dhamaystir raajada naasaha$50
    Dhameystir baaritaanka kansarka mindhicirka$50
    Buuxi baaritaanka cufnaanta lafaha$50
    Abaalmarinada la siinayo Xubnaha laga helay Cudurka Sonkorowga
    Dhameystir baaritaanka isha ee macaanka$25
    Dhameystir baaritaanka kelyaha ee macaanka$25
    Dhamaystir baarista A1c$25
    Haddi aad wali qabtid su'aalo aysan dukumeentiga ka jawaabin, xor ayaad u tahay inaad ka wacdo kooxdeena Adeega Macmiisha si ay kaaga caawiyaan 503-416-4279, lambarka lacag la'aanta 888-712-3258 ama TTY 711. Saacadaha aan shaqayno waa8 GH ilaa 8 GD todobo maalmood ee usbuucii, 1da Oktoobar ilaa 31da Maarso iyo 8 GH ilaa 8 GD Isniin ilaa Jimce, 1da Abriil ilaa 30ka Sebtembar.

     

    Markii ugu danbaysay ee bogga dib loo eegay: Oktoobar 1, 2025
    Sugaya Ansixinta CMS H5859_COAWEB_M_2026

    Ra'yi-celinta websaytka

    Astaanta xiritaanka

    Naga caawi inaan sii horumarino websaytkeena

    Ma dhibaato ayaad kala kulantaa helista waxaad raadinayso? Ma rabtaa inaad nala wadaagto waayo aragnimadada isticmaalka websaytka? Ka qayb qaado xog aruurinteena ku aadan falcelintaa oona nala socodsii!