Lacag celinta kharashka daawadaada
Duruufaha qaarkood, waxa laga yaabaa in aad hore uga bixiso kharashka daawada laguu qoray, jeebkaaga. Haddii aad si sax ah u isticmaasho dheefaha qorshahaaga oo aad codsanayso in CareOregon Advantage ay kuu soo celiso kharashaadkan, waxaad buuxin kartaa foom oo noo soo diri kartaa.
Si aad u codsato lacag celin, soo deji Foomka Lacag-celinta Farmasiga ama na soo wac oo codso in foomka laguu soo diro. Naga soo wac 503-416-4279, lambarka khadka lacag la'aanta 888-712-3258 ama TTY 711. Saacadaha aanu shaqayno waa: Oktoobar 1 ilaa Maarso 31, 8 galinka hore ilaa 8 galinka danbe maalin kasta; iyo Abriil 1 ilaa Sebtembar 30, 8 galinka hore ilaa 8 galinka danbe, Isniin-Jimce. Waxaad sidoo kale noogu soo diri kartaa fariin sugan gudaha xibinta xubinta. Waxaad u baahan doontaa inaad buuxiso foomka oo aad u dirto ciwaanka ku yaal foomka.
Markii ugu danbaysay ee bogga dib loo eegay: Oktoobar 1, 2024
Sugaya Ansixinta CMS H5859_COAWEB_M_2025