Dheefaha xubinta
Ku soo dhawoow CareOregon Advantage! Waxaan ku faraxsanahay inaan kaala kaashano safarka daryeelka caafimaadkaaga. Boggani wuxuu kaa cawinayaa inaad ogaato oo fahamto dheefahaaga. Cutubka 4 ee Caddaynta Daboolida caymiska ayaa taxaysa dheefahaaga CareOregon Advantage oo buuxa. Waxaan daryeelnaa caafimaadkaaga oo dhan, waana sababta aan sidoo kale kuugu soo bandhigno adeegyo dheeraad ah oo aan wax kharash ah kaaga baxayn.
Guji sanad qorsheedka hoose si aad u aragto dheefaha.
Sanadka Qorshaha 2024
Lacagta Caymiska la Siiyo iyo Jaritaanada
$0 lacagta caymiska la siiyo ee billaha ah iyo Jarista sanadlaha ah
- 90-maalin daawo soo qaadasho oo daawooyin badan
- Baadhitaanada isha iyo ookiyaalayaasha
- Barnaamijka dhisnaanta Silver&Fit
- Keenista cuntada ka dib joogista isbitaalka
- 24/7 booqashooyinka onlaynka ah ee daryeelka aan degdega ahayn
- Booqashooyinka fayoqabka ee hooyga
- Adeegyada caawimaada ee hooyga
- 24/7 nidaamka digniinta caafimaad ee shakhsiyadeed
$0copayment
Dheefaha Medicaid
Ilkaha, gaadiidka caafimaadka, daryeelka kale, qalabka maqalka sahla
$0waxaa daboolay Medicaid
Kaarka Daryeelka Faa'iidada CareOregon
$1,620 sanad kasta ($405/saddexdii bilood) agabka caafimaadka ee isagoo dhakhtar qorin la iibsan karo iyo cuntooyinka caafimaadka leh, iyo $1,500 ee adeegyada ilkaha
$1,620sanad kasta
$1,500sanad kasta
Abaalmarinada
dhamaystirida hawlaha caafimaadka ah
Hel
$$sanad kasta
Sanadka Qorshaha 2025
Lacagta Caymiska la Siiyo iyo Jaritaanada
$0 lacagta caymiska la siiyo ee billaha ah iyo Jarista sanadlaha ah
- 90-maalin daawo soo qaadasho oo daawooyin badan
- Baadhitaanada isha iyo ookiyaalayaasha
- Barnaamijka dhisnaanta Silver&Fit
- Keenista cuntada ka dib joogista isbitaalka
- 24/7 booqashooyinka onlaynka ah ee daryeelka aan degdega ahayn
- Booqashooyinka fayoqabka ee hooyga
- Adeegyada caawimaada ee hooyga
- 24/7 nidaamka digniinta caafimaad ee shakhsiyadeed
$0copayment
Dheefaha Medicaid
Ilkaha, gaadiidka caafimaadka, daryeelka kale, qalabka maqalka sahla
$0waxaa daboolay Medicaid
Kaarka Daryeelka Faa'iidada CareOregon
Wixii ah agabyada caafimaad ee aan dhakhtar qorin, cuntooyinka caafimaadka leh iyo adeegyada guriyeed ($344.50/saddex biloodkiiba)
$1,378sanad kasta
Abaalmarinada
dhamaystirida hawlaha caafimaadka ah
Hel
$$sanad kasta
Maadaama xubin aad ka tahay CareOregon Advantage, waxaad "labadaba u-qalantaa" dheefaha Medicare IYO Medicaid. Medicaid waxaa laga yaabaa inay daboosho qaar ka mid ah dheefaha Medicare uusan bixin, oo ay ku jiraan caafimaadka dhimirka, caafimaadka ilkaha, toobidda maqaarka iyo daryeelka chiropractic. Ka hubi qorshahaaga Medicaid wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan dheefaha ay daboolaan.
Si aad wax dheeraad ah uga ogaato dheefaha, waxa aad eegtaa Hagaha Soodhaweynta COA ama waraaqda macluumaadka Qodobada Muhiimka ah ee Dheefaha COA, taas oo laga heli karo bogga Dukumintiyada qorshahayga.
CareOregon Advantage Plus waa HMO-POS D-SNP oo haysata qandaraaska Medicare/Medicaid. Isqorista CareOregon Advantage Plus waxay ku xirantahay cusbooneysiinta qandaraaska. Haddii aad door bideeyso inaad la hadasho qof si toos ah, fadlan wac Adeega Macmiilka ee 503-416-4279, lambarka bilaashka ah888-712-3258 ama TTY 711. Wakhtiga aanu shaqayno waa Oktoobar 1 ilaa Maarso 31, 8 g.h. ilaa 8 g.d. maalin kasta; iyo Abriil 1 ilaa Sibtambar 30, 8 g.h. ilaa 8 g.d., Isniinta-Jimcaha. Waxaad sidoo kale nooga soo diri kartaa fariin ammaan ah adigoo raacaya bogga xubinta.
Markii ugu danbaysay ee bogga dib loo eegay: Oktoobar 15, 2024
Sugaya Ansixinta CMS H5859_COAWEB_M_2025